Faysal Cali Waraabe Oo Ka Digay Necbaansho Beeleed Oo Dhalinta Awdal Lagu Beero, Kuna Taliyay In Lala Garamo Reer Boorama

0

Hargeysa(Sayruuq)- Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay xaaladdaha Boorama ka taagan, ayaa sheegay in arrinta reer Boorama tahay nacayb dhalinyarada lagu beerayo oo loo galinayo beesha dhexe ee Somaliland. Waxa uu sheegay in arrinta reer Boorama ka baaxad weyn tahay Suldaan Wabar oo la soo qabto iyo dad loo xidh-xidho balse ay u baahan tahay wada hadal lagula furo hab ka duwan sidaasi, si loola doodo.

Ciyaaraha gobolada Somaliland ee Boorama lagu qabtay ayaa muujiyay xiisad ka taagan gobolkaasi kadib markii dhalinyaradu rabshado ka sameeyeen ciyaaraha, islamarkaana tiraba 2 dhalinyaro ahi ku dhinteen rasaas boolisku riday.

“Arrinta Boorama way ka qaro weyn tahay Wabar iyo rag la xidho. Waa necbaansho beeleed. Haddaad Tv-ga daawatay waxay lahaayeen “reer hebel ha dhaceen, reer hebel waa yuhuud” yacnii waxaad aragtaa inay abuurantay necbaansho beesha dhexe ah, markaa waa in wada hadal la furo oo la yidhaahdo madaxweynaha waa la nici karaa, xukumadda waa la nici karaa laakiin, beel dhan in la caayo oo la aflagaadeeyo oo necbaansho caruurta lagu abuuro dhibaato weeye,” ayuu yidhi Eng Faysal.

Guddoomiyaha Ucid waxa uu intaasi ku daray “ Reer Boorama markaa waa in wada hadal loo furaa oo dood loo furaa. Boorama 20 sanno horteed markii dalka la soo galay siday u eekayd iyo maanta siday u eeg tahay? Dawladda Somalia markii lagu jiray reerBoorama maxay ka ahaayeen? Beesha dhexe maxayse ka ahayd? Wixii la bixin jiray beesha dhexe ayaa qaadan jirtay laakiin, reer Boorama siiro ayay ahaayee.”

Eng Faysal waxa uu sheegay in reer Boorama muddo soo xukumayeen Somaliland, sidoo kalena aanay awooda dalka ka maqnaan mar qudha “Maanta dalka reer Boorama sideed sanno ayay soo xukumaysay, intaana kamay maqnaan xukunka ee Madaxweyne xigeen ayay ahaayeen, in maanta markii xukunku isbedelay ee Saylici fadhiistay in dadkii necbaansho beeleed lagu abuuro aad bay u fool xunt ahay, markaa anigu aad iyo aad baan uga xumahay in caruurta, dhalinyarada jaamacadaha lagu abuuro necbaansho, haddaynu inagu beelbeel isku nacno dee is xamili mayno. Waad aragteen oo xukumadda Siilaanyo waa laga wada cabanayaa oo waa cabasho guud laakiin, inay reer Boorama gaar uga baxaan waa waxyaabaha aan ku jirin.. Boorama waa la wada leeyahay, Hargeysa waa la wada leeyahay, Berbera waa la wada leeyahay yaa dhulka inoo qaybiyay,” ayuu yidhi Faysal.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.