Farmaajo Oo Ka Hadlay Heshiiska Dekedda Berbera

0
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Xiisadda Tukaraq & Wada Hadalka Somaliland Iyo Somalia

Farmaajo Oo Ka Hadlay Heshiiska Dekedda Berbera

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa si kulul uga soo horjeestay heshiiska horumarinta dekedda Berbera ee Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya. Isaga oo ka hadlaya furitaanka fadhiga labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya waxa uu ku dooday in aanay cidna ka yeelayn heshiis aanay Soo marin xukumadda Muqdisho.

“Dawladda  way ka go’an tahay in ay ilaaliso midnimada iyo xorriyadda Soomaaliya. Somalia waxay diyaar u tahay maalgashi iyo ganacsi in ay la yeelato caalamka laakiin se cid kasta oo doonaysa in ay maalgashato Somalia waa in ay ogolaansho rasmi ah ka hesho hay’addaha dastuuriga ah ee Federaalka,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan uga digaya waddamada iyo shirkaddaha shisheeye in aanay ku xadgudbi Karin Qarannimada iyo midnimada Soomaaliyeed. Waa dhab in aan xaalad adag ku jirno, waa dhab in aan duruufo adag ku jirno, waa dhab in dhaqaale xumo ku jirno, waa dhab in wasaaraddeena maaliyaddu ku daba jirto cashuurta oo aanay dad badan fahansanayn oo aanay cashuurta bixinayn,” Sidaas ayuu yidhi Farmaajo oo ku andacooday in Soomaaliya oo duruufaha adag ku jirta haddana leedahay damiir aanay ku ogolaan faro gelinta shisheeyaha.

Farmaajo waxa uu golaha baarlamaanka u sheegay in ay wixii ka soo baxa dadaallada hay’addaha dastuuriga ah ee Soomaaliya wadaan la hor keeni doono si goluhuna doorkiisa uga qaato waxaana laga dareemayay xamaasad iyo sacab badan oo ka dhacayay golaha.

Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in ay dib uga fiirsanayso in xaaladdan wada hadal lagula sii wado Soomaaliya, islamarkaana sheegtay in ay warqado u gudbinayso hay’addaha gobolka kuwaas oo ku saabsan mawqifka Somaliland ee dekedda waxaanay u muuqata in xiisadda gobolku cirka isku sii shareerayso maaddaama Itoobiya iyo Imaaraadku leeyihiin 70% in ku dhaw maamulka dekedda Berbera, islamarkaana ay difaacayaan.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.