Farmaajo Oo Jeedinaya Khudbad Indhaha Lagu Hayo

0
Farmaajo Oo Jeedinaya Khudbad Indhaha Lagu Hayo

Farmaajo Oo Jeedinaya Khudbad Indhaha Lagu Hayo

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah uu magaalada Muqdisho ka furo Kalfadhiga 3-aad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Furitaanka Kalfadhigan oo la filayo iney ka qeybgalaan Xildhibaannada Labada aqal, guddoonkooda, xubno ka mid ah xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo marti kale ayaa lagu qaban doonaa dugsiga Gen. Kaahiye

Sida uu qabo dastuurka KMG ee dalka u yaalla, madaxweynaha ayaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka iyo shaqooyinka horyaalla dowladda ka jeedinaya furitaanka iyo xiritaanka kalfadhiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wada in uu halkaasi ka sheego mawqifkiisa heshiiska saddex geesoodka ah ee Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya oo ra’isal wasaarihiisu hore uga soo horjeestay. Sidoo kale weerar baraha bulshada maalmihii u dambeeyay kaga socday Farmaajo ayaa si weyn looga hadal haya Somalia kaas oo la sheegayo in bulshada Imaaraadku ku maagtay mucaaradadiisa DP World.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.