Farmaajo Oo Hakiyay Socdaalkiisa Qadar

0
Farmaajo Oo Hakiyay Socdaalkiisa Qadar

Farmaajo Oo Hakiyay Socdaalkiisa Qadar

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa go’aansaday in aanu u safrin waddanka Qadar oo  uu ku tagi lahaa socdaal muddo u qorshaysna. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegaya in sababtu tahay caddaadisyo ku saabsan in aanu dalka ka bixin xilli qalalaase siyaasadeed hadheeyay oo uga imanayay dhinacyo kala duwan.

Warbaahinta Jowhar oo tabisay in madaxweynuhu xilliyadii u dambeeyay go’aansaday hakinta socdaal uu saaka ugu ambabixi lahaa waddanka Qadar ayaa sheegaysa in xogo ay madaxtooyada ka heshay ku warramayaan in Farmaajo isku dayi doono xillinta khilaafka ra’isal wasaarihiisa iyo guddoomiyaha golaha shacabka Prof Jawaari.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn indhaha loogu hayay maaddaama madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku sugan yahay Imaaraadka Carabta. Imaaraadka iyo Qadar waxa ka dhexeeya khilaaf culus iyo loolan siyaasadeed. Somaliland iyo Soomaaliya ayuu sidoo kale u dhexeeya loolan adag iyada oo Madaxweyne Biixi cadowga Somaliland ku tilmaamay Qadar.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku adkaysanaya in xilka laga qaado guddoomiye Jawaari halka mudaneyaasha Jawaari taageersan weerar ku yihiin ra’isal wasaare Khayre. Waxa baarlamaanka la wareegay ciidamada Afrikaanka ah ee AMISOM. Arrimahan oo dhanna waxay imanayaan markii baarlamaanku ansixiyay xeer ku saabsan in shirkadda DP World dalka laga saaro waxaana loo arka in dano shisheeye ku lug leeyihiin qalalaasaha siyaasadeed ee Muqdisho ka istaadhmay

Source: Jowhar

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.