“Farmaajo Muqdisho Madaxweyne Kama Ahanayo”M.Biixi

0
Su'aalo Dul Hoganaya Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

“Farmaajo Muqdisho Madaxweyne Kama Ahanayo”M.Biixi
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanu madaxweynaha Soomaaliya Muqdisho madaxweyne ka ahaan doonin haddii uu ku sii dheganaado doodda ku saabsan xuduudka qabiiliga ah ee maamulka Puntland kula murmaan Somaliland. Waxa uu sheegay in Somaliland ku doodayso xuduudihii Ingiriiska iyo gumaysiga ee Afrika ku wada degan tahay.

“Nimankan hal wax ayaa laga raba, qoladan Xamar joogta ee talyaanigu gumaysan jiray ma qirsan yihiin in aynu ahayn labada dawladood oo lixdankii midoobay? Ma gobol idinka mid ah ayaanu ahayn? Miyaa na qabsateen? Arrinta nin toos u aqbalaya ma jiro madaxda Xamar joogta kuwii hore iyo kuwanba,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo tilmaamay in aan la heshiin Karin haddii aan la isla qirin midawgii 1960.

Madaxweyne Biixi oo warbixin siinayay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo marar badan diiday dhexdhexaadin caalami ah “Ilaa shan goor ayay na dhex galeen Qaramada Midoobay ninka ka wakiilka ah ,IGAD iyo qaar Afrika ka socday. Waxa nala waydiiyay maxaa isku haysan? Anagu waxaanu nidhi xadkii Ingiriisku sameeyay, iyagana waa la waydiiyay oo xad reer ayay sameeyeen oo ah Labiyada, su’aal adag maaha haddii Afrika oo dhan qolo qolo loo kala goynayo ha la soo celiyo Farmaajo madaxweyne ka ahaan maayo dee haddii qabiil qabiil loo kala gooyo oo way iska caddahay mar haddii aanay taasi dhacayna dee xadkii hore ayuun baa inoo yaalla waana qodob nin walba dabar ku noqday,’ Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxaanu intaasi raaciyay “ 8 bilood ka hor waxa na soo kala dhex gashay Switzerland oo telefoon soo dirtay waanu ogolaanay isna(Farmaajo) wuu ogolaaday, warqad bay soo direen ay leeyihiin noo saxeexa si aanu kalsoonidiina u helno anigu waan saxeexay isaguna wuu diiday. Sweden baa soo gashay oo intii in leeg tidhi warqadii waan u saxeexay isaguna wuu diiday. Waxa yimid ninkii reer Koonfur Afrika (Nicholas Haysom) wuxuu yidhi ha la idin dhexdhexaadiyo ee xaggee baad doonaysaan isagu(Farmaajo) mar walba waxa uu sheegta Ankara(Caasimadda Turkiga) iyo Dooxa (Caasimadda Qadar) johannesburg baan idin gaynaya ayuu yidhi isagii ayaaba lagu eryay, hadda cisho dhawayd waxa yimid Turkiga waxaan ku idhi kaliga ku aqbali mayne caalamka kale hana soo dhex galo wuu aqbalay warqad buu soo celiyay hadda Ingiriiska, Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden intaba waxa uu ka codsaday in la isugu yimaaddo 19-ka bishan Gaana (Accra) si loo sameeyo guddi caalami ah oo Somaliland iyo Somalia kala dhex gasha waxaana hubaal ah in Xamar iyo inta la joogtaba ka dagaallamayaan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.