“Farmaajo Halis Cagaaran Ayuu Somalia…,” Warancadde

0
“Farmaajo Halis Cagaaran Ayuu Somalia…,” Warancadde

“Farmaajo Halis Cagaaran Ayuu Somalia…,” Warancadde
Siyaasi Cali Maxamed Warancadde ayaa taageeray mooshinka xilka lagaga xayuubinayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ee baarlamaanka hor yaalla. Waxa uu xildhibaannada ugu baaqay in aanay laaluush qaadan ee ay xilka ka tuuraan Mr Farmaajo.
Qoraal uu soo saaray Cali Warancadde ayaa u dhigna sidan:-
Farmaajo oo Soomaaliya U Horseeday dariiqii ‘Halista Cagaaran’

Waxaa hubaal Ah in Madaxweyne Farmaajo u muuqdo Nin Ku Haftay Siyaasada Hogaamineed ee uu madaxda ka ahaa isla markaana u muuqdo nin aan u madaxbanaaneyn tallada dalka uu madaxweynaha ka yahay.

Marka la eego daalaa dhaca ku yimid siyaasada arrimaha gudaha iyo dibada ee soomaaliya.

Madaxweyne farmaajo ficiladiisa hogaamineed waxaa ka muuqda aqoon daro siyaasadeed waayo arag la,aan iyo kali-talisnimo U horseedi karta dalkaasi burbur iyo hadimo fool xun.

Sommaliya waxay maanta u baahan tahay in la badbaadiyo inta aan meel dheer laga doonin waxaana badbaado ugu dhow mooshinka ay Farmaajo ka keenen golaha shacabku.

Waxaase ayaan darro labaad iyo laf-jab ku noqon karta shacabka reer soomaaliya ee dhibaatadu dul hoganeyso haddii mooshinka golaha shacabku keenay uu isu badalo mooshin hunguriyeed sidii caadada u ahaan jirtay xubnaha golaha shacabka ee soomaaliya.

Waxaana la gudboon golahan in ay shacabkooda u muujiyaan daacadnimo oo dalka ka badbaadiyaan halista soo food saartay.

Cali Maxamed Warancadde

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.