Faratoon Oo Ka Hadlay Kulanka Farmaajo Iyo Biixi

0
Faratoon Oo Ka Hadlay Kulanka Farmaajo Iyo Biixi

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo madaarka Hargeysa kula hadlay saxaafadda ayaa si kooban uga hadlay kulanka madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Somalia mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

Wasiir Faratoon oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi “Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya ayay ku kulmeen. Madashaasi waxay ahayd meel madaxdii Afrika oo dhan isticmaalaysay oo lagu wada marti qaadayay markii shirkii dhammaaday; madaxdu way isa sii macasalaamaynaysay, waa la isa sii bogaadinayay waa la isa sii arkayay, waa la ballamayay, sidaas ayaa madaxweynuhu ku tagay madaxweyne Farmaajo-na sidaas ayuu ku yimid sidaas ayaanay isku arkeen.”
Wasiir Faratoon ma bixin faahfaahin intaasi ka baxsan mana sheegin madaxda ay halkaasi kula kulmeen magacyadooda.

Geesta kale Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed, ayaa wakaaladda wararka ee AP u xaqiijiyay in magaalada Addis Ababa ay ku kulmeen shalay madaxweynayaasha DFS iyo Somaliland: Maxamed Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Kulanka ayuu sheegay in uu ahaa mid hordhac ah oo ay albaabadu u xidhnaayeen, kaasi oo aan laga soo saarin wax war-murtiyeed ah.

Wuxuu sheegay in labada dhinac uu isaga dab qaadayay Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.