Fannaanniinta Xidigaha Geeska Oo Warsaxaafadeed Soo Saaray

0

Hargeysa(Sayruuq) War qoraal ah oo ka soo baxay kooxda fanka ee xidigaha Geeska ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyihii kooxdaasi Xasan Dhuxul Laabsaalax oo lagu eedeeyay in uu hawlihiisa u qabsan waayay si waafaqsan sharciga kooxda. Kooxdan oo ka qayb galay ololihii siyaasadda ayaa la kala saftay xisbiyada lamana oga waxa xilligan keenay xilka qaadista.

War saxaafadeed

Maanta oo ay bishu tahay 03 12 2017 shir ay isagu yimaadeen gudida fulinta ee kooxda Xiddigaha Geeska iyo xubnaha kooxdu waxay xilkii gudoomiyenimo ee kooxda cod gacan taag ah kaga qaadeen Gudoomiyihii hore ee kooxda xidigaha geeska Xasan Saleebaan Maxamed ( laab saalax) ka dib markii uu gudan waayay waajibaadkii shaqo ee kooxdu u igmatay sida uu dhigayo sharciga kooxdu.

Islmarkaa waxay kooxdu cod gacan taag ah ku sime gudoomiye ugu doorteen xoghayaha kooxda Maxamed Axmed Bakaal Cirro)

ALLAA Mahad Leh

Gudida fulinta kooxda xidigaha geeska

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.