Fannaanka Nimcaan Hillaac Hooyadii Oo Ka Hadashay Xadhiga Wiilkeeda

0

Boorama(Sayruuq) Ciidamada ammaanka ayaa raadinaya Fannaanka Nimcaan Hillaac si ay xabsiga u dhigaan. fannaanka ayaa dhawaan dhinaca Jabuuti ka soo galay magaalada Boorama kadib markii uu muddooyinkii u dambeeyay fadhigiisu ahaa magaalada Muqdisho.

Fannaanka ayaa la sheegay in uu shalay magaalada Boorama dhalinyaro ugu qaybiyay dirays calanka Soomaaliya ah, taas oo keentay in boolisku raadisado iyada oo la sheegay in aanu markii hore wax cafis ah ku iman.

Arrintan ayaa keentay in la xidho aabihii oo Askari ah oo la sheegay in uu diiday in uu soo xidho Fannaanka. Hooyada fannaanka dhashay ayaa sheegtay in xilli hore boolisku ku waabariistay.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.