Fannaanad Shaqada Looga Eryay Hadal Ay Jeedisay

0
Fannaanad Shaqada Looga Eryay Hadal Ay Jeedisay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shaqada laga eryay fannaanadda Madaxweyne Biixi u soo ololaysay ee Kawsar Cali Faarax kadib markii ay maalmihii la soo dhaafay hadal ay ka jeedisay xuska maalinta Naafada ku dhalliishay madaxda Qaranku in aanay kala qayb galin munaasibadda.

Qoraal kooban oo ay ku qortay barteeda Facebook ayay ku tidhi ” Abaal Ruux Galaa La Arka sidan Oo Kale laakiin Ruux Guda Lama Arag 

Sharaf Ayay ii Tahay Inan Shaqadaydii ku wayay Anoo U Hadlaya Dadka Ugu Jilicsan Somaliland,”

Fannaanadda Kawsar Cali ayaa madaxweyne Biixi olole af iy addin ba leh u soo gashay doorashadii 2017 waxaanay ka tirsanayd Ciidanka Qaranka oo hadda la sheegay in shaqadaasi laga eryay arrintan darteed

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.