Fannaan Grand P oo bisha Rabadaan bilaabay Barashada Quraanka

0

Fannaan Grand P oo bisha Rabadaan bilaabay Barashada Quraanka

Fannaan Moussa Sandiana oo ku caan ah magaca ‘ Grand P’waa fannaan, siyaasi, Aktar, iyo nin saamayn leh oo u dhashay dalka Gini. Wuxuu ka midyahay fannaaniinta ugu cadcad, lafdhabartana u ah dalka Gini. Wuxuu dhashay sannadkii 1993kii. Waxa haleelay xanuun hiddaside ah oo lafaha waxyeelay oo loo yaqaanno ‘ Progeria.’

Fannaan Gran P, waxa ay sannadkii 2020 isguursadeen gabadh la yidhaa ‘Eudoxie Yao’ oo Moodeel ahayd. Qorshahoodu wuxuu ahaa in ay isla aqalgalaan bilowga sannadka 2021ka, balse waxaa la sheegay in aqalgalkii ka kala kacay, xaaskiina lagala wareegay oo nin ka hanti badan oo Wasiir ahi ka guursaday!

Waa fannaan Soomaalidu aad ula socoto, oo riwaayadihiisa xiisayso. Soomaalidu waxa ay u taqaannaa magaca ah ” Fannaan Dooli.” Mararka qaar Soomaalidu waxa ay ka shartiroolaysataa muuqaalkiisa, xaaskiisii hore, Roomaanyignimadiisa, hab lebbiskiisa, qaabka uu xaaskiisii hore oo la sawiran uu ula istaagi jiray, iyo qaabka ama Akshanka uu sawirrada u galo.

Fannaan Dooli sawir uu dorraad soo dhigay bartiisa Faysbuugga ayuu ku sheegay inuu bilaabay barashada, raacashada iyo dhigashada Quraanka. Masha Allah. Hore inuu Islaam u ahaa, iyo in kale ma hubo, mana helin ilo sheegaya, se alxaasil hadda waa nin Islaam ah oo Muslimiinta ka mid ah. Masha Allah.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Isha qoraalka: https://thrillng.com/grand-p-biography-age-net-worth-relationship-career/.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.