Fanaanka BK Walaaladii Oo Raali Gelin Bixiyay

0

Fanaan Maxamed BK walaalladii ayaa raalligalin ka bixiyay hadalkii uu dhawaan ka sheegay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Qoraal ay soo saareen ayaa u dhignaa sidan:

Raali-gelin Buuxda:

Aad iyo iyo aad ayaanu uga xunnahay, wax kastoo iddin soo gaadhay, dhaawacay qulluubtiina, wax kastoo ummadda soomaaliyeed wax u dhimmay. Gob iyo caadkeed ayay tahay in aanu ka garaabno oo garawshiyo ka bixino sida dhaqankeenu ahaan jirey. Qalad qalad laguma saxo bani’aadankuna way gefaan, way kaftamaan, deelqaafna wuu ka dhici karaa lamana odhan karo maxay sidaasi u dhaceen?. Bashar baynu nahay waynu qaldannaa, haddana si fuddud ayaynu u qirannaa wax kastoo innaga dhacay. Ergo ahaan, dadkii dhibsadday erayaddii walaalkay Maxamed Bk boqolkiiba boqol xaal baanu siinnaynaa.

Arrintani ugub ma aha, hore ayay tan oo kale u dhacday, maantse ergo ahaan waan ka odayaynay haddii eebbe iddmana haddaladan oo kale dib u dhici mayaan sidaa hawla socdaaan ummada soomaaliyeed. Maanta ma joogno xilli aynu isku wiirsanno, wax iska sheegno, iskuna tilmaano dad bahalo gaalleena oo aan waxba haysan. Sharaf dhac ka weyni ma jirto, walaalaha soomaaliyeed in ay dadka kale iska eegtaan baa wacan. Ma ahayn in ay iyaggu dhexdooda caddow isu noqdaane, taana waa laga fiican yahay. Ergo ahaan, waxa aanu soo jeedinaynaa in laga waantaabo eryada naxliga ah, ee hawadda laysu marinayo. Dadnimaddu waxa ay ku jirtaa in la ilaaliyo lana fahmo Xaqa diintu ina fartay, wadda noolashaha, dowladnimadda iyo dhaqankeena suubban. intaa waxa aan ahayn qof kastoow ma wanaagsanee is dabo qabo.

Bulshadda hal baanu leenahay hadday wax dhacaan bilaaba ka fiirsadda oo xummaanta ha sii buunbuunina xalku muxuu noqon karaa qorsha ha lagu daro? Guud ahaan, tacsi qaran ayaanu u diraynaa dhammaan dadkii ku dhintay qaraxii Ex-control af-gooye, waxba may galabsane alle haydiin naxariisto dhammaantiin jannadii fardowsanna alle haydin geeyo. intii ku dhaawacantay, ku weyday aabbiyo hooyana caafimaad hor leh iyo waxsan ayaanu iddin rajeynayaa gebi ahaanba. Ergaddu waxa ay talo koobban u diraysaa madaxda soomaaliyeed meel kasta ha joogaane:

-Dhibaatadda ka soo noqnoqonnaysa magaaladda Muqdisho yaan indhaha lagu daawane waa in wax laga qabtaa. Oo laamaha dowladda waxa la farayaa in dadkan ku dhaqmaya falkan bahalnimadda ah laga qaaddaa tallaabo sharciyeysan.

-Waa in xidhiidhkii u dhexeeyey labbada dal waa soomaalilaane, iyo soomaaliya dib loo furaa.

  • Waa in loo gurmaddaa dadka dhibaataysan ee webigu ku fatahay ee ku dhaqan magaaladda Beledweyne.
  • Waa in aan la dhaawicin is dhexgalka u dhexeeya labbada waddan si bulshadu u noqoto ummada fahankeedu sarreeyo.

Mudanahaa walaalkaa,
Haddii weerar lagu dilo,
Isha lalama waabtee,
Weerkiyo baroortaa,
Dadka lala waddaagaa.

M. I. W. ‘Hadraawi’.

30/12/2019

FG: Eragaddu waa ilmo Siciid Cabdi Xasan.

Waad mahadsantihiin dhammaantiin.

Source: Suxufi Khaalid Foodhaadhi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.