Falanqaynta Waxyaabaha Eng Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen Isku Hayaan iyo Milicsiga Heshiiskii 2012

0

Hargeysa(Sayruuq)- Khilaafka kala irdheeyay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa xisbiga Jamaal Cali Xuseen ayaa wali tagaan, sida ay tibaaxeen xogo wargeyska Warsugan ka helay ilo ka ag dhaw hoggaanka xisbiga UCID ee khilaafku ka dhexeeyo. Axaddii dorraad waxaa kulan qado ah iskugu yimid odayaasha dhaqanka ee degaannada ay ka soo kala jeedaan Eng Faysal iyo Jamaal, kuwaasi oo tibaaxay inuu jiro heshiis, hase ahaatee xogo Wargeyska Warsugan helay ayaa tilmaamay inaanu xisbiga UCID wali talo iska waydiin dhawaaqa Odayaasha ka soo baxay sidoo kalena aanay wali is arag labada masuul ee khilaafku ka dhexeeyo. Wararka ayaa intaasi ku daraya inaanay odayaasha is xilqaamay wali helin kalsoonida Faysal iyio Jamaal si ay khilaafka ugu xalliyaan meel ka baxsan sharciga xisbiga iyo maxakamaddaha dalka.

Odayaasha Eng Faysal ayaa kulanka shalay ka sheegay inay Faysal ka xaqiijiyeen inaanu ahayn musharax jagada ku haysta Jamaal, balse ilaa hadda Faysal a bulshada uma soo bandhigin inaanu sharaxnayn, marka laga reebo inuu hore u sheegay inaanu jirin sharci ka reebaya inuu is sharaxo. Sidoo kalena heshiiska odayaasha ayaa u muuqday inuu ku kooban yahay dhexdooda oo aanu ahayn mid xisbiga gudihiisa laga diray, iyagoo sheegay in guddi farsamo loo saari doono khilaafka UCID.

Xogo Wargeyska Warsugan ka helay saraakiil xisbiga UCID ka tirsan ayaa tilmaamay in Isniinta loo balansanaa kulan ku saabsan ka tashiga dhawaaqa odayaasha Axaddii balse uu kulankaasi baaqday ilaa haddana xisbiga Ucid wax war ah kama soo saarin mawqifka masuuliyiinta. Dadaal badan oo wargeyska Warsugan sameeyay si uu u ogaado mawqifka musharax Jamaal iyo Eng Faysal ayaanay suuro galin kadib markii ay Telefoonnada qaban waayeen.

Faysal Cali Waraabe Oo U Muuqda Inuu Ka Baxay Heshiiskii Jamaal Cali Xuseen:

Marka la eego waxyaabaha la isku hayo, Eng Faysal Cali Waraabe iyo musharax Jamaal Cali Xuseen waa ku aad u kala fog, waxaanay arrintani ka qoto dheer tahay kaliya in la isku hayo musharaxnimada Jamaal, hase ahaatee waxaa muuqata in Eng Faysal Cali Waraabe diidan yahay guud ahaan habkii saami qaybsiga Garabkii UDUB Jamaal hoggaaminayay iyo xisbiga UCI Doo Eng Faysal Hoggaaminayay, gaar ahaanna saami qaybsigii golaha dhexe, fulinta iyo musharaxnimada oo inta Eng Faysal wakhtigan indhaha ka laliyay

Eng Faysal Cali Waraabe oo 27-kii November, 2015 waraysi uu khilaafka Ucid kaga hadlay oo uu siiyay telefishanka Horn Cable, wuxuu sheegay inuu dhawrayo sharciga xisbiga, islamarkaana arrinta xisbiga lagu xallilayo sharciga xisbiga, wuxuuse meesha ka saaray qodob ku jiray heshiiskii Jamaal iyo Ucid wada galeen 2012-kii “Anigu waxaan leeyahay wixii sharci sheegayo ma dhaafayo. wixii sharci ah ee xisbiga u qoran ee xeerkayagu qorayo anigu ninka dhaafaya ma ahi, Arrintuna uma taalo aniga iyo Jamaal ee xeer baa jira, xisbi baa jira, gole dhexe ayaa jira. Xisbigu wuxuu leeyahay 181 xubnood oo golaha dhexe ah, 35 xubnood oo golaha fulinta ah ayuu leeyahay waana xisbi intaas soo jiray. Markaa sharci baa jira, haddii dood laga qabo oo la leeyahay laguma tartami karo xisbiga Ucid, dee halkay ku taalo lama tartamayo oo kooto ayaa loo qaadan karaa, qofka ka dacwoonayaa ha sheego,” ayuu maalintaasi yidhi Eng Faysal

Haseyeeshee, hadalkaasi Faysal Cali Waraabe, wuxuu burinayaa heshiiskii dhexmaray garabkii xisbigii UDUB ee Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayay iyo xisbiga UCID oo Eng Faysal hoggaaminayay. Sida ku cad warqadda heshiiska dhexmaray labada dhinac oo guddoomiye Faysal 28/10/2012 u gudbiyay Komishanka doorashada qaranka, xeer ilaalinta iyo guddida diwaangalinta ururada siyaasadda waxaa lagu sheegay in kalfadhigii 5-aad ee golaha dhexe ee xisbiga Ucid lagu ansixiyay 5 qodob. qodobka koowaad wuxuu u dhignaa sidan “Waxaa la ansixiyay heshiiskii labada dhinac galeen, Xisbiga UCID iyo garabkii xisbiga UDUB ee aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayay, kuna taariikhaysnaa 12/07/2012, taas oo lagu heshiiyay in golaha dhexe ee xisbiga oo hore u ahaa 181 xubnood ay noqdaan 301 xubnood, halka xubnaha guddida fulinta oo hore u ahaa 35 xubnood iyaguna ay noqon doonaan 55 xubnood.”Tirada golaha dhexe iyo fulinta ee heshiisku tilmaamay ayaa ku talo galkoodu ahaa in inta lagu kordhiyay ahaato garabka musharaxiinta xisbiga ku soo biiray, iyadoo qodobka labaadna sheegayay in Musharax Jamaal Cali Xuseen iyo kuxigeenkiisii iscasilay loo ansixiyay musharaxiinta xisbiga.

Halkuu Ku Dambeyn Karaa Khilaafka Faysal iyo Jamaal?

Waxaa la rumaysan yahay in musharax Jamaal Cali Xuseen, dirsaday Ergada dhinaca odayaasha ah, maadaama uu hore u sheegay in heshiiska Ucid iyo garabkii uu hogaaminayay ee UDUB ka yimid ay qayb ka qaateen odayaasha labada dhinac, haddana ay door ku yeelan karaan u gar qaadiddooda, balse waxaa muuqata inaanay odayaashu haysan kalsoonida Eng Faysal.

Musharax xigeenkii iscasilay Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa 15-kii bishan sheegay inuu muddo ka hor taagnaa Jamaal Cali Xuseen, in khilaafka lagu xalliyo maxakamadda, balse markii ay xaqiiqo tagtay uu dib uga joogsaday in arrinta maxakamad la hor geeyo. Wuxuu sheegay in hadda lafteeda uu rumaysan yahay inaanu jirin xal kale.

Cabdirashiid oo la waydiiyay inay Jamaal ku kala aragti duwanaadeen in arrintaasi maxakamad lagala calaf qaado ayaa yidhi “ Arrintaasi arrin muddo socotay ayay ahayd. Waxaanu soo taabanay ergadii xisbigu inay socon wayday, ergadii kalena socon wayday, dee waxa hadhay waa sharci uun. Arrinta sharcigana, saaxiibkay(Jamaal) anigaa imbadan hor taagnaa intii hore, laakiin markii ay xaqiiqo iyo lagama maarmaan noqotay ayay isagana gabashadu ku timid, maantana waxaan u malayn meel aan halkaas ahayn oo ay ku dambeyn doontaa inaanay jirin.”

Ugu dambeyn Aragtida Eng Faysal Cali Waraabe waxay ku kooban tahay in xisbiga lagu tartamo, waxaanu hore u sheegay guddoomiye xigeenka saddexaad ee Ucid Cali Guray, in haddii Kulmiye musharaxoodu noqdo Muuse Biixi oo ay Jamaal isku hayb guud yihiin ay imanayso in UCID dib u eego cidda doorashada uga qayb galaysa, maadaama codka lala qaybsanayo Jamaal, arrintaasi oo caqabad ku ah musharaxnimada Jamaal ee UCID oo uu saddex sanno ku soo dedaalayay.

Lama hubo in Jamaal Cali Xuseen ku dhiiran doono maxakamadda si hanaan sharci ah looga garnaqo khilaafka isaga iyo Eng Faysal, balse waxaa la filan karaa in dib loogu noqdo qodbadda sharci ee kala ah xeer hoosaadka xisbiga dhexdiisa, xeerka doorashooyinka ee xeer No. 2o iyo xeerka ururadda, maadama oo heshiiska muranku ka taagan yahay ee labada dhinac la galay horaantii doorashadii golaha deegaanka, gaar ahaana 28 October 2012

sayruuqnews@gmail.com

Source: Wargeyska Warsugansnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.