Falanqaynta iyo Faalada xaqiiqda dhabta ah ee Nolasha. WQ \\ Abdifatah Mahad Kasin

0

Aaraar:

Ilaahay subxaana wa tacaalaa ayaa Mahad oo dhani u sugnaatay, Mahadnaq balaadhan ka dib waxaan jeclaystay inaan asxaabtayda qaaliga iyo inta afsoomaaliga ku hadashaba la wadaago fariin aan ka helay baraha bulshadu ku xidhiidho taasoo iila muuqatay inay tahay mid waano iyo dhiiri galin isugu jirta, muhiimna ay tahay in lagu turjumo afka hooyo ee soomaliga ah.  Waxii wanaagsan ee aad ka faaiidaan qoraalkan kooban waxaan ugu Mahad celinaynaa ilaahay Subxaana watacalaa ina waafajiyay waxii khaldan ee iyada lafteeda aan kala kulannana waxaa leh shaydaan.

 

Dulucda Qoraalkan ama Maqaalkan

 

Ka dib marka aan dhamayno wax barashada dugsiga sare, dhamaan dadkii aad isku wada fasalka ahayn waxay kala aadeen meelo kale duwan, Qaar ka mid ah waxay dhamaysteen Jaamacadihii oo Imika waxay yihiin Dhakhaatiir, Injineero, Macalimiin, Bayloodo, Garyaqaano, Maamuleyaal xafiis iyo Wax yaabo kale oo la mid ah.

 

Qaar kale oo ka mid ah dadkii aad isku fasalka ahayn way guursadeen, qaar baa caruuro dhalay, qaar kalana way sugayaa, Qaar baa dhintay ee sidoo kale Iyagana yaan ilaawin. Qaar kale ayaa xanuusanaya oo sariir yaal ah, Qaar badan ayaa iyaguna u socda oo raba inay diyaariyaan shahaadooyin sar sare sida heerka labad iyo heer ka sadexaad ee wax barashadooda. Kuwayow badan ayaa ilaa hada aan helin inay galaan wax barashadaas lagana yaabaa inaanay heli karinba, Qaar ka mid ah fasaladeenii ayaa shirkado ganacsi leh, Qaar baa agaasimayaal ka ah qaarna waxay qayb ku leeyihiin ba shirkado waawayn oo aduunka ka shaqeeya.

 

Laakiin maxaad dareentaa markaad aragto ama aad la kulanto asxaabtaadii aad isku fasalka ahaydeen oo u eeg inay ay gaadheen riyooyinkoodii oo aadan adiguna wali gaadhin riyadaadii? Fikrado badan ayaa maskaxdaada ku soo dhaca soo mahan? Marka ugu horaysa shaydaanku waxa uu maskax daada ku soo ridaa Ilaahay subxaana wa tacaalaa ayaa idiin kala eexday oo sidani xaq Maaha?

Hadaba Bal ka waran kuwa saaxiibadaa ah ee aad isku fasalka ahaydeen ee aad ku kulantaan wadooyinka iyagoo xidhan dhar uskag badan ka muuqdo ama jeex jeexan

oo ilaa imika halgan ugu jira siday u noolaan lahaayeen? fikrado kuwii hore la mid ahi ma ku soo dhaceen maskaxdaada? Waxaan qiyaasayaa inay jawaabtu tahay (Maya).

Abdifatah Mahad Kasin

Hada ogow oo wali ha ilaawin kuwo ka mid ah asxaabtii fasalkaaga oo dhintay. Si kastaba ha ahaatee caadi ayay iska noqotay dareenkaas xaasidnimada leh ee kuwa asxaabtaada ka mid ah kuula muujyay inay fiicnaadeen, laakiin xaqiiqdu waa lagama maarmaan.

Ma jirto sabab loo Murugoodaa waayo dhamaan teen waan ku kala duwanahay wadooyinka guusha iyadoo walibana aynaan ka sinayn masaafada guusheena.

Qaar inaga mida ayaa hore u gaadhi kara adiga ka hor qaar na adiga ka dib, laakiin heerkasta oo aad ka gaadho nolashaada gaar ka ah fadlan sii wad isku daygaas Jabina caqabadaha kaa hor iman kara, siina badi dadaalka.

U dabaaldag guusha saxiibkaa/Saaxiibadaa, waayo waxay tusaale u tahay xaqiiqda gaadhitaan ee guushaada.

Saaxiibkaa/Saaxiibadaa hadii ay gaadhi iibsado/Iibsato, La farax, Xasuuso wakhtiga aad adna iibsan doonto, Ma noqon doono gaadhigiisa ama Gaadhigeedu kii ugu danbeeyay.

 

Ma jiro guulayste Joogto ah, laakiin waxa jira guulaystaha Xiligan ama wakhtigan

Nolushu Maaha Tartan, ha la tartamin qofna. Xasuusnow, waxaa laga yaabaa inaan akhrinayno Buug isku mid ah balse aan ka akhriyayno mawduucyo/qaybo kala duwan iyo wakhtiyo kala duwan. Ha u ogolaan in doonistaadu disho hamigaaga, sii wad dadaalkaaga.

Waxaad manta ku soo mara ama aad ka gudubto qor waayo waxaa laga yaaba in loo baahdo maalin la akhriyo, waxaanay noqon doonaa mid ka mid ah guushaada.

Ma jirto meel aadan gaadhi Karin, Aqoonso Naftaada, Qeex hiigsigaaga ama rajadaada, ogow oo baro caqabadahaaga ama wax yaabaha kaa hor iman kara hana joojin yadidiiladaada iyo dadaalkaaga.

 

Wakhti ku bixi inaad barato Naftaada, waayo waxyaabaha dadku horumar ka gaadhaan waa waxyaaba ay wakhtigooda galiyaan.

Ha ku mashquulin ama ha ku dhex lumin guusha saaxiibkaa ama saaxiibadaa, cirku wuu balaadhan yahay waanu ku filan yahay inay shinbiro badan ku duuli karaan iyadoo aanay midina mida kale taabanayn. Sidaa si la mid ah fursaduhu way ku filan yihiin adiga iyo cid walba iyadoo aanay cidna cida kale saamayn ku lahayn.

Qiimee wax kasta oo yar oo ilaahay dhex keenay nolosheena , Ilaahay jeclow oo adeec, talo saaro ilaahay, waayo shay kasta waa u suuro gal ilaahay.

Imika qaar baa madaxda noqday ama horumarka sameeyey, waligaa ha ilaawin inaad gacan siiso kuwa kaa hooseeya, waayo nolushu dhamaan teed waa wada warwar. Qof ka aad maanta riixdo ama cidhiidhi galiso, laga yaabaa inaad bari gacmaha hoorsato oo uu isagu noqdo qofka kaa ilaaliya inaad dhacdo ama aad niyad jabto.

 

Ilaahay Subxaana wa tacaalaa ha ina ilaaliyo hana inoo wada gargaaro aduun iyo aakhiraba

 

 Abdifatah Mahad Kasin

Hargeisa-Somaliland

Cabdimahad07@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.