Falanqayn: Isku Shaandhaynta Madaxweyne Biixi

0
Madaxweyne Oo Si Adag Uga Hadlay Taliyeyaal La Dilay

Marka si guud loo eego isku shaandhaynta iyo magacaabista uu Madaxweyne Biixi sameeyay toddobaadkan, waxaa la dareemi karaa in uu doorkan ka leexday jidkii uu hore ugu mari jiray xulashada masuuliyiinta xukuumadiisa.

Gaar ahaan marka la eego arrinta dadka siyaasadda gorfeeya marar badan ku dhaliili jireen ah in aanu xukuumaddiisa ku darin siyaasiyiin garbo culus leh, oo tayo hoggaamineed iyo waayo-aragnimo siyaasaddeed ku soo kordhin kara.

Waxaa muuqata ugu yaraan in uu golihiisa wasiirrada iyo la taliyeyaashiisa  uu ku soo daray rag fahan wanaagsan ka haysta siyaasadda dhaqanka ah ee Somaliland iyo arrimaheeda gudaha.

Waxa kale oo talaabadan u dambaysay laga halacsan karaa, in Madaxweynuhu uu doorkan xukuumadiisa ku soo daray siyaasiyiin ka soo horjeeday wakhtigii ololihii doorashada, kuwaas oo in badan ka ololeeyay in Madaxweyne loo doorto, iyagoo ka mid ahaa ruug-cadaagii shidhka u fadhiyay siyaasadda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Taas ooo ay dad badani u arkeen in Madaxweynuhu ku dhiiraday inuu talada qayb ka siiyo rag siyaasadiisa ka soo horjeeday.

Waxa kale oo Isku shaandhaynta u dambaysay ee Madaxweyne Biixi laga akhrisanayaa in uu go’aan ku gaadhay dib ugu noqoshada haykalka xukuumadiisa; taas oo ka muuqata isku beddelka uu ku sameeyey xubno ka mid ah wasiiradiisa. Tusaale ahaan, waxa uu saxay kaalinta wasiirkiisii hore ee wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Cali Koorre.

Waxa uu muddada badan ahaa xiddiga xukuumaddu ku hallayso ee doodaha ay isku difaacayso, taas oo abuuri jirtay su’aalo la iska weydiinayo shaqada horumarinta biyaha ee wasiir Koore hayey iyo kaalinta uu ciyaarayo. Dadka qaarna waxa ay kuba doodi jireen in uu yahay wasiirka ku habboon warfaafinta uu hadda madaxweynuhu geeyey, maadaama oo looga maarmi waayey in uu u hadlo.

Marka laga yimaaddo isbedellada dhinaca doorashada ee Madaxweyne Biixi ku soo kordhay, oo la odhan karo waa waayo-aragnimada labadii sano ee uu talada hayey. Waxaa barbar socota dhaliilo ka muuqda in ay weli jiraan hay’ado ka mid ah xukuumaddiisa oo fahamkoodu aanu u bixin, ama ugu yaraan aanu la helin masuulkii ay u baahnaayeen.

Waxaa ka mid ah dhawr wasaaradood oo labadii sano ee uu xilka hayey ay isu weydaarteen saddex wasiir. Waxaa ka mid ah wasaaradaha qorshaynta, warfaafinta iyo cadaaladda, oo uu mid kasta todobaadkan u magacaabay wasiirkii saddexaad.

Dhaliisha kale ee laga akhrisan karo go’aamada uu madaxweynuhu ku dhisayo xukuumaddiisa iyo xulashadiisa masuuliyiintu waa in aanu aad uga baaraan degin, la tashi badanna ka samaynin masuuliyiinta uu xulanayo. Maragga ugu dhow ee taas muujinayaa waa saluugga uu madaxweynuhu muddo gaaban gudaheed ka muujinayo masuuliyiinta uu xilk u dhiibay qaarkood. Tusaale ahaan wasiirkii cadaaladda ee uu xilka ka qaaday, wuxuu xilka hayay 8 bilood oo keliya.

Ugu dambayntii waxaa xiisaheeda leh in Madaxweyne Biixi uu bedelaad ku sameeyey, saaxiibkii Wasiirkii hore ee xanaanada xoolaha iyo kalluunka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), oo markii uu xukuumadda dhisayey uu isugu daray laba wasaaradood. Taas oo ay dad badani u arkayeen inay tahay abaal-gud siyaasadeed. Waxa se dadka siyaasadda falanqeeya xiise gaar ah u yeeshay in uu maanta saaxiibkiisaas u beddelay wasarad kale, oo ka miisaaniyad yar tii uu hore u maamuli jiray.

Sida ka muuqata qoondada miisaaniyadda u dambaysay ee 2020-ka, wasaaradda xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga waxa ay maamushaa miisaaniyad dhan  37, 593,725 088 SL.Sh  (Toddoba iyo soddon bilyan, shan boqol iyo saddex iyo sagasahaan milyan, toddoba boqol iyo shan iyo labaatan kun iyo siddeed iyo sideetan shiillin.) oo u dhiganta 4,422, 792 dollar.

Halka ay miisaniyadda wasaaradda qorshayntu tahay 11 ‘005 ‘169’950 (Kow iyo toban bilyan, shan milyan, boqol iyo sagaal iyo lixdan kun iyo sagaal boqol iyo konton shillin) oo u dhiganta dollar ahaan  1,294,726.

Inkasta oo wareegtooyinka xilalka ee madaxweyne Biixi looga bartay in ay ka hor yimaaddaan jihada ay u socdaan mawjadaha rayulcaamku, waxaa aan markan la dafiri karin in wareegtadan u dambaysay ay bidhaaminayso dib u eegis uu ku sameeyey xisaabtiisa siyaasiga ah iyo xulashada gacanyareyaashiisa.

Si kastaba ha ahaato ee midka ay tahay;  dib u u sixid iyo jiho qumin uu madaxweynuhu qaatay iyo in uu yahay qalin mar dhacay waxaa go’aamin doona xulashooyinkiisa soo socda iyo hawlaha ay qabtaan ragga uu cugtay.

Geeska Afrika

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.