Faarax Murtiile Oo Gabay Ku Jawaabay

0
Faarax Murtiile Oo Gabay Ku Jawaabay

Faarax Murtiile Oo Gabay Ku Jawaabay
Abwaanka reer Somaliland ee Faarax Murtiile oo gabay ka tiriyay caleemo saarkii madaxweynaha Puntland, islamarkaana madaxweynaha Soomaaliya Mr Farmaajo ku boorrinayay in uu Hargeysa yimaaddo ayaa gabay kaga jawaabay dareen arrintaasi ka dhashay.

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa Abwaanka ku eedeeyay in uu rabitaanka Somaliland ka hor yimid laakiin, wuxuu ku dooday in aanay khudbaddiisu dhib ku hayn Somaliland, islamarkaana uu nafta u hurayo halka uu dadka in la xidho ku ololeeyay ku eedeeyay kuwo qiiro aan meel jirin iyo ilmo yaxaas qubaya.
Gabayga Murtiile

Kuwa Qaylinayee

Qabta Faarax lahoow

Qalad ba fahanteene

Qarankay waxma yeelin

Qofkastoo is bidaaya

Anigaa Qarankayga

Uga sii Qotadheeroo

Somaliland Qarankayga.

Inay Qoon- yarigaadho

Qudhaydaan ogolaynoo

Qoorgooyaan ka xigye.

Anigaa Qarankayga

Qodax saydha ka dhawra .

Anigaa Qarankayga

Qilaafkiisa daweeya.

Somaliland Qalbigayga

Waa Quluubtiyo maanka

Hooyadaydii i Qaadiyo

Qaaydkii laygu xanbarshayoo

Inaay Qoon yari gaadho

Qundhaydaan ogolayne

Qajilaan idin leeyahay.

Qudbadayduna maaha

Midaan Qoomay hankooda

Waa midaan Qarankayga

Ugu qiil daydayaayaye

Kuwa Qaaqda guraaye

Qabta Faarax lahoow

ilmada,aad Qubaysaana

Wayska Qiiro jabaane

Qajilaan idinleeyahay

Qaran kayguna maaha

Qof midaad ku dirtaanoo

intuu Qaata warkiina

Durba soo Qabanaye.

Qaynuun baa dalka
yaalle

Qajilaan idinleeyay.

Abwaan :Afraax Murtiile

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.