Faaqidaada jawaabihii madaxweyne Muuse.

0
Mustafe Shiine

Faaqidaada jawaabihii madaxweyne Muuse.

Madaxweyne Biixi, waa kii 1994kii uun.

Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa maanta fursad u siiyay inuu taagnida kaga jawaabo su’aalo ay ku hurgufeen saxaafiyiintu, inkastoo laba wasiir oo toddobaatan jira ahi waa ka warxabarasha iyo arrimaha diabada ay isku dayeen inay ka hor-dhaqaajiyaan saxaafiyiinta.
Madaxeyne Muuse waxa isagoo ka jawaabay su’aal ka saabsanayd xaalada Bariga Sanaag uu sheegay inaanay bariga Sanaag ka jirin wax dhibaato ah oo xalay oo ugu danbeysay ay ku doodayeen laba wasiir oo Ilmaadeer ah midna uu yahay Somaliland midna Puntland, waxana sidoo kale uu madaxweynuhu ku macneeyay arrinta deegaankaasi waxyaabihii uu ka tegay gumeystihii oo xuduudihii uu Afrika dhex dhigay ay mid walba beel ama deegaan ku dhex dhacday, isagoo dalal afrikada ah tusaale u soo qaatay.
Jawaabta Muuse ee Bariga Sanaag waxa ka muuqatay deganaan iyo inuu muujiyo bisayl siyaasadeed oo uu doonaayo inaanu ka darin halka ay xaalada barigaa fogi hadda taagan tahay, walow ay ku sugan yihiin ciidamo fara badan qaybo ka mid ah deegaankaasi.
Mar uu mudane Biixi ka jawaabayay su’aal ku saabsnayd waxa uu kaga jawaabo 20 sano muddo ku dhaw dhaliil uu u jeediyay madaxweynihii geeriyooday Marxuum Cigaal oo uu ku dhaliilay in uu kuraasidii dalka ku xeeray inay isku suldaan yihiin, sida Maxkamada sare, Jananka Milateriga iyo xeerilaaliyaha guud, taasi uu isaga maanta ku kacay waxa uu ka baydhay inuu si toos ah uga jawaabo su’aashaa, isagoo sheegay inuu maalintaa Marxuum Cigaal oo uu cid u xigay uu ka qabanaayay duulaan uu ku qaadayay salaadiin ku jirtay gurigii suldaan Bare, isagoo weriyahana weydiiyay saaka inuu jiro cid uu duulaan ku yahay oo uu weriyuhu la qabanaayo.
Su’aashaa jawaabteeda ee uu madaxweynaha is diidsiiyay waxay u muuqanaysay inaanu diyaar u ahayn inuu wax ka bedelo qaabka uu wax wada lahaanshihii qaranka meesha uga saaray ee uu hay’adihii dawlada ugu taxay in ay ehel yihiin amaba isku suldaan.
Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay intii uu madaxweynaha ahaa inuu badatay xadhiga siyaasiyiintu waxa uu kaga jawaabay inaanay sidaa ahayn oo waxa batay uu yahay xidhiga denbiilayaasha, isagoo intaa ku daray inuu sii badan doono xadhiga denbiilayaasha si uu dalku hore ugu socdo, jawaabtaasi oo u muuqatay in Muuse Biixi uu yahay Muusihii 1994kii ilaa iyo 1995kii xiligaa oo uu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha oo uu marxuum Cigaal ku sheegay nin u haysta in xadhiga iyo cagajugleynta in lagu cabiidin karo saxafiyiinta iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda nidaamka, waxana markuu Muuse arrintaa ka jawaabayay uu u muuqday mid aad ugu qanacsan inuu xukun ku rido muwaadin aanay maxkamadi ku cadayn wax denbi ah, halka uu madaxweynuhu si toos ah u sheegayo in siyaasiyiinta iyo ragga iyo dumarka kale ee xidhani ay denbiilayaal yihiin.
Mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd shirka uu xaqiijiyay Boqor Buurmadow sida uu u arko waxa mar kale soo ifbaxday in 30 sano ku dhawaad aanay waxba iska bedelin habdhaqankii Mujaahid Muuse Biixi, waxa isagoo diidan oo is adkaynaaya uu sheegay in beeluhu ay xaq u lee yihiin inay shiraan oo ay hadday doonaan bedelaan mawqifkoodii hore oo ay mucaaridaan madaxweynaha, taasi oo ah cabsida keliya ee uu qabo, marka la dheehdo jawaabta uu bixinaayo mr.Biixi.
Waxa isagoo arrintaa ka jawaabaya uu intaa raaciyay erayga “laakiin” isagoo ku daray in boqor Buurmadow beryahaa la xamanaayay oo lagu xmanaayay nabadgelyo darada ka jirta Ceelafweyn.
Waxa kale uu boqorka madaxweynuhu si toos ah ugu xukumay oo uu ka fogeeyay xan in uu taleefoon ka wado nabadgelyo darada ka jirta deegaankaasi oo soo socotay muddo labo sano iyo badh ah,taasi oo cadayn ugu filan in kornayladu boqorka mar kale xadhig u maleegayaan.
Nasiibdarada ugu weyn waxa ay ahayd in mudane Cabdi uu masuuliyadii uu qaranka u hayay u duwo boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur madow oo uu ku sheego in hawsha u taal ay tahay taa uu hurunteeda ku eedaynaayo boqorka, iyadoo weliba masiibadii Ceelafeeyn ay hadda beelihii ay u dhaxaysay ay ku guuleysteen inay xakameeyaan oo aanay falka denbiiluhu qaado mid caam ah ka noqon, sidii dhawaan ka dhacday deegaankaasi ee dalkii dhacay aanay beeshii uu ku dhacay degdeg uga jawaabin.
Mudane Muuse waxa uu boqorka ka duway masuuliyadiisa oo ah gogol u fidinta cid kasta oo wax ka tabanaysa beesha uu duubka u sito iyo u soo dhicinta waxa ka maqan, taasi oo ah in uu Buurmadow xaq u lee yahay inuu adkeeyo nabadgelyada ka dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee bariga wada yaal ka hor inta aanay colaad isku bedelin oo aanay faraha ka bixin.
Si kastaba xaalku ha noqdee waxa hadalka madaxweynaha ee dhamaan jawaabihiisa ka muuqday inuu yahay madaxweyne aan cidna wax isaga tirinayn oo aan sharci iyo shar midna ka baqayn, islamarkaasina u socda in muddada gaaban ee uu xilka hayo rag uu ka adkaado oo uu u qaybiyo qayb uu u buriyo oo uu dheeraad siiyo, qayb uu xabsiyada ku guro gar iyo gardaro iyo qayb uu bud ku maalo oo uu handadaad iyo cabsi gelin ku dhaqo, haseyeeshee waxaad moodaa in aanay Muuse u qorshaysnayn inuu dhito uga tago qaranka iyo magaciisa, iyadoo ilaa iyo hadda lays weydiinaayo waxa madaxweyne Biixi ummaddu ku xasuusan doonta muddada kooban ee uu madaxweynaha yahay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.