Faalo:Xukuumadda Somaliland Oo Noqotay Tusbax Furmay Markii Madaxweyne Siilaanyo Caddaystay Inuu La Safan yahay Muuse Biixi

0

Hargeysa (Sayruuq)-Wasiirradii Wasaaradaha Madaxtooyadda, Cadaalladda, Hawlaha Guud, Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ayaa gabi ahaanba iska casilay xilkii ay ka hayeen xukuumadda ku meel-gaadhka ah ee Madaxweyne Siilaanyo. ka dib markii Madaxweynuhu uu la saftay Garabka Muuse Biixi.

Waxa kale oo is casilay Wasiir Ku-xigeenadda Wasaaradaha Deegaanka, shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda, Dib u dejinta iyo afhayeenkii madaxtooyadda Somaliland.

saadasha ayaa sheegaysa in madaxeynaha uu ka sifeyn doona xukuumadiisa Wadaada ay is garabsan jireen Xirsi Xaaji Cali Iyo Wasiirkii hore maaliyadda Cabdi Casiis Maxamed Samaale kuwaaso muddo shan sanno ah awood badan ku laha majaraha siyaasadda Somaliland islamarkaan kalsooni badan ka haystay qoyska madaxtooyadda iyagoo hore god dheer ku ridy Gudoomiyaha Xisbil xaakimka KULMIYE balse isdhuubid iyo samir badan dabadeed kubaddu waxaa goalkiisa u dhowdahay inuu shabaqa lulo Mujaahid Muuse Cabdi .

kulan degdeg ah oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ,muuse biixi iyo Cabdilahi cukuse oo lagu qaada dhigayay xal u helidda iscasilaadahan ayaa wax natiija ah ka soo bixin waxaan si toos ah loogu kala kaxay miiska wada hadaladda Madaxtooyadda .

xukuumadda ayaa maanta la kulantay arrin aad u adag oo an abid somaliland hore uga dhicin in mar qudha sida tusbax furmay ay wasiiraddu si taxana ah isu casilaan taaso ka timid cabasho dhanka xaqsoorka iyo cadaaladda Golaha dhexe Madaxweynaha si siman murashiixinta ula dhaqmo balse taasi is badal weyn ku dhacey 24 sacadood ee u danbeeyay .

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.