Faalo:Booliska ayaa ka Masuula Mashaqadda Ka Dhacday Hargeysa Stadium .

0

Hargeysa(Saryuuq)-

Waxaan garoonka galay abaaro 2:00 duhurnimo marka ay saacadu aheyd ,waxaa koona kasta aad ishaada ku dhufaneysay ciidamado u diyaar ah dagaal iyo rabshad aad moodo in ay halkaasi ka dhacdo loogu talagalay ,tarabuunka dhinacayga midig iga xigay waxaa ku xoonsanaa dhalinyaro aad u da` yar kuna qiyaasay 15- ilaa 18 jir .

Wax yar markaan fadhiyey wax ay ka dhex aloosmay ciidankii ilaaladda ciyaarta oo boolis u badan iyo guuto yar oo militari ah kuwaas isku qabsaday kala amar qaadashadda ,tiraba labba jeer waxaa joojoojiyey booliska askari ka tirsan miltariga oo rabay in ay u soo dubaan dhanka saree ee VIP da garoonka oo miltarigu fadhiyeen ,hadal iyo hanjabaad ka dib waxa soo kala dhex galay labaddi qeybood ee is hayay Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan isagoo amar ku siiyey Askari Miltari ah inuu kacoo kan daadago kaabadaha Garoonka balse ,askarigii Miltariga ah waa u diiday markalayi waxaa gacnta ula tagay dhower Askari oo boolis ah ,mis judhiiba waxaa dhaawac wajiga ah ka soo gadhay Askarigii miltariga .

Aan ku soo laabto ciyaarta iyo qaabkeedi kubad isku dheeli tiran aya soo bandhigeen labadda kooxdba ,gool iyo gool celis kadib goolkii guusha markii ay Daadmadheedh daqiiqadihii u danbeysay ciyaarta shabaqa u dareen Yuuyo oo ahaa goolhayihii Hawd ,mar qudha waxaa cirka iskau shareeray xamaasadii iyo dhawaaqa taageerayaasha Hawd waxaana ku soo yaacay ciidankii Booliska iyaguna waxay ka hor geeyeen karaatoon iyo wixii ay gacanta ku haysteen .

Ciidanka Booliska ayaa uga jawaabay Sunta dadka ka ilmaysiisa iyagoo amar ku qaatay in tarbuunadda la faaruqiyo taageerayaashana laga dareeriyo garoonka qiiqa dhawaaqa rasaata ayaa isla oogasaday , waxaa taroobuunka ka muuqday kabihii taageerayaasha iyo wixii agab ahaa ee ay siteen firxad iyo orodna markaliyaa jaanta la wadhay .

Boolisku intaas kumay joogsan ee tarabuunka cadceed ka soo baxa garoonka oo haween ay fadhiyeen ayaa iyagana qasab lagu saaray sido kale waxaa laysla soo galay dhanka VIP-da oo xitaa dadkii halkaa fadhiyey mid ka mid ahaa ayaa suntii toos indhaha loogaga buufiyey isago Askarigu ku andacoonayay garoonka ka bax .

Booliska Mid baa seegtay .

Boolsiaka Somaliland mid baa seegtayo waxay garan waayeen bal mid midka kartoonka tuuraya soo qabta oo shabaglaha ku rida intay ciyaartu ka dhamaanayso ,balse iyagii baa isku darreeriyey dad caruur ah oo xamaasadeysan ,ta kale Somaliland booliskeede akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaan midnaba uma dhisna dhanka rabshadaha iyo maamulkeeda marka la eego .

Taageerayaasha iyugana mid baa seegtayo waxay kala garan waayeen in ay kubaddu tahay bar cad iyo mid madoow manta haadii laaga badiyo barri ayaad adiguna badin.

Cashar baan manta ka bartay anigu in aan muuqaal baahiye mooyaan goob kubadeed aanan istaagin ,khasaaraha halkaas ka yimid boqolkiiba 70 waxaan dusha ka saaraya ciidamdda amniga gaar ahaan booliska .

Ugu danbeyntii qaladka soo hadha waxaa iska leh ciyaaryahanadda aad mood in aanay qalbigooga ka dhaadhacsaneyn mabaadida iyo akhlaaqada mihnadda ciyaaraha kuwaas oo danbigooda badhkeedna ay iska leeyihiin wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha oo hawsheedii aad u gabtay kuna milantay loolanka siyaasadda ee dalkeena cidhif ilaa cidhef qasay ,waxaana wacan in shaqadda aad dadka iyo dalkaba u hayso sideeda u filaso kana dhowrto warabka .

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.