Faallo: Maxaa Sababay Shaxadda Guuridda Faratoon!

0
Faallo: Maxaa Sababay Shaxadda Guuridda Faratoon!

Faallo: Maxaa Sababay Shaxadda Guuridda Faratoon!

Wasiirkii hore arrimaha dibadda somaliland haddana ah xubin ka mid ah xildhibaanadda goalaha wakiiladda somaliland Xil. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa kamid noqday hogaanka sarre ee urur siyaasadeedka Kaah isagoo shir weynihiisa kowaad loogu doortay gudoomiye Ku xigeenka Arrimaha dibedda.

Hadaba waa kuma Faratoon maxay ugu soo qaadanaya faalaynta Sayruuq, xildhibaanku waa qoor weyntii kulmiye isagoo muddo dheer ka soo noqday labbada xukuumadood ee Kulmiye siilaanyo iyo Biixi ba wasiiro dhawr ah, waa odaygii siyaasadda ee barriga Somaliland looga dambayn jiray kaasi oo muuse biixi golahiisa wasiiradda uga soo xushay in uu aqalka wakiiladd uu noqdo guddoomiyahood balse dagaal adag oo dheer ka dib lagaga guulaystay waxaan booska ku guulaystay Cabdirisaaq Khaliif oo mucaaridku watay.

Waxayaabaha layaabka leh ee fajicisa miisanka siyaasadda shalay ku noqday waa saaxiibkii kowaad ee Biixi oo ka hayaamay xisbigii soo sharaxday , akharistow aaynu dib u noqon sannad iyo dheeraad waa madasha looga taliya Somaliland aqalka madaxtooyadda waxaa la fadhiyaa hoolka shirkii ee golaha wasiiradda, Madaxweyne Biixi iyo Saylici ayaa is barbar fadhiya , waxay la hadlayaan xildhibaanadii ka soo baxay muxaafidka, waxaa hadlka haysta Muuse wuxuu xildhibaanadd Kulmiye  si adag ugu sheegayaa in Xisbigiisii guddomiyihii golaha wakiiladda ay u sharaxdeen oday Faratoon kaasi oo ku sheegay nin u qalma kursiga ahna hayin in badan dadka iyo dalkaba u soo shaqeeyay khayr badana leh isagoo si weyn u tibaaxay in ay xaqiiqo tahay amaanta u ka sheegay.

Maxaa is badaley?

Tartan adag oo u dhaxeeya muxaafidka iyo isbahaysiga mucaaridka ee Waddani iyo Ucid waxaa labba cod lagag guulaystay faratoon, laf jab bay ku noqtay Kulmiye iyo Fartoob-ba  maxaa lagaga guulastay:

  • Xildhibaanadda mucaaridka oo mayl adkaa iyagoo si weyn iskugu duubna inkasto midh ay raaceen dhanka muxaafadka.
  • Maxamuud Xaashi oo isaguuna qeyb weyn ku lahaa xidhibaanadda soo baxay kuwaasii oo u baydhay dhanka mucaaradkaa taasi oo soo saartay in Siyaasi Xaashi saameyn weyn ku yeeshay isbadalka siyaasadda.

Dadka siyaasadda faaleya ayaa saadalinayay maadamo tiradda lagu kala badiyay ay aad u koobnayd in mar labaad Oday Fartoon soo istaadhan doono rabitaankiisi shirgudoonka balse Madaxweyne Biixi oo caqabado balaadhan kala kulmay Barlamaanka ayaa heshiish la galay gudoomiyaha golaha wakiiladda  Cabdirisaaq Khaliif taasi oo lagu heshiiyay in laga joojiyo mooshin kurisga lagag tuuro oo damicii siyaasadeed ee Fartoon halkaa dabkiisa lagu damiyo, geesta kalena waxaa Khaliif laga saxeexay inuu xukuumadda siyaasadaha iyo xeerka ay wado si dhow ula sheeqeeyo isla markaan uu wada shaqeyn dhow la yeesho madaxweynaha.

Arrintaasi waxay dhalisay cadho gamuurtay isna biirsanaysay waqti badan ,taasi oo Fartoon firdhad iyo dib u gurasho xeelad dagaal muddo uu ka fikirayay ku dhalisay waxaa la sheega in Fartoon inta Golaha uu soo xaadiray ay tiro kooban aheyd oo aan gaadheyn tobaneeyo kulan, isagoo shalay mar kaliya ka soo dhex muuqday safka hore ee Ururka Kaah mar shir weynaha ka hadlay wuxuu si qayaxan u yidhi “Waxaan maanta halkan u soo istaagay inaan muujiyo Taageeradda aan u hayo xisbiga KAAH waa mid aan u badheedhsanahay oo aan oglahay oo aan u arko in ay dalka dan u tahay”

Ururuka Kaah ayaa shalay waxaa uu dhoola tus weyn ku muujiyay cududa urur ee u leeyahay iya sidda xibigii Kulmiye u soo jabsaday qeyb weyn oo laxaad leh.

Hargeysa- Somaliland

Taftirayaasha Sayruuq

 

sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.