Faallo :Doodi Saddexda Xisbi Qaran ,Maxaa ka Soo Baxay?Yaase Ku Gacan Sareeyey ?

0

Hargeysa(Saryuuq)-Doodan oo qiimeynteeda iyo halbeega lagu qiyaasay ay aheyd mid bulshadd Somaliland sida dharaarta ugu cad marka laga tago xisbi taageridda ,reernimadda iyo qabyaaladda qudhanka ,mareegta Sayruuqnews waxay isha ku haysay doodan oo muddo labba saddex jeer ah-ba qoraalo xogaagaal ah idinka soo gudbisay ayaa caawana waxay halkani idinku soo bandhigaysa ,jawaabta su`aasha ciwaanka u ah faaladan .

Dooda oo ka qabsoomtay caasimadda Somaliland iyo hoolka weyn ee Maansoor waxaa soo agaasimay ururka Tv-yadda madaxa banaan ee Siba iyo ururka Inspire group ,dad boqolaal lagu qiyaasay ayaa fadhiyey goobta waxaan faagaare ka sareeya halka goobjoogayaashu fadhiyaan ka soo horjeeday murashaxiinta Madaxweyne ee saddexadda Xisbi Qaran ,Ucid,Kulmiye iyo Waddani .

Mudanaayasha Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Bixi iyo Cabdiraxmaan cabdilaahi ismaacil Cirro ayaa taagaan dooda qeybteedi hore oo u hagayay Suxufi Cali Seenyo oo ka socday Ururka Telfeeshinadd Madaxa banaan ee Siba  iyo Ururka Inspire Group oo u matlayay Wariye Maxamed Ilig oo qeybtii danbe ee dood hagayay.

Qaabkii Dooda ,

Doodan oo guud ahaan aheyd taariikhadda markii ugu horeysay ee Somaliland laga hirgaliyo ayaa ahayd bilow fiican marka laynoo eego dowladaha jaarka oo ka ardan dimuqraadiyadda iyo habka iyo hanaanka axsaabta badan ,wax dooda u dhow waxaa lagu sheegi karo ma jirto ,markaad ka timaado arrintan cusub ee sooyaalka dimuqraadiyadda curdanka ah ee dalkan ku soo kordhay waxaa iyaguna jiray gol dolooliyin dhowar ah oo goobta ka soo baxay uguna horeeyaan,

  1. Codbaahiyaha oo dooda qeybteedi hore ay codka wax ka si ahaayeen mararka qaarna aad arkayso murashaxiinta oo afuufaya .
  2. Doodaha noocan oo kala ah waxaa qurux badan in qalabka codbaahiyu noqdo mid waireless ah isla markaan uu qarsoonadda codbaahiyuhu .
  3. Codbaahiyaha qorsooni waxaa uu soo saara kartidda hadalka iyo qaabka iyo xarkaadka jidhka ee Murshaxiinta iyo hanaanka dooda .
  4. Muqaal hagaha (montage ) waxaa ka dhinaa unuu dagnaanshuhu ka lumay ,oo waxaad arkaysay isagoo dooranaya kamaradda aan sax aheyn ,maadaamo aad haysto mixerka daawashadda ah waa inaad markasta doorta kamaradda saxdda ah .
  5. Heesta calanka oo aan waqtigeedi la qaban iyo wariyihii danbe oo goor danbe dadka u shiday heesta .
  6. Waqtiga dooda oo dheera ,
  7. Suaalaha oo soo noqnoqonayay .

Hagidda Dooda,

Doodan  dhinaca kale hadana markaad ka dhawrto waxaa kuu soo baxaaya mustaqbal ifaya oo Somaliland kaga horeynayso geeska inteeda kale ,balse iyadoo taas rajo weyn inoo tahay in aynu waxa inaga dhiman iska saxnaa waa waajib , doodaha noocan oo kale ah maaha mid hal iyo mid lagu soo kobo ,cidda dunnida dhanka dimuqraadiyadda hagtaana ee macalinka looga hadhay waa Maraykanka doodahooda ayaana marjaca ah loogu naqdo arrintan caawa dhacaday ,iyagu hadaba maaxay sameeyaan , doodahoodu horta waa saddex iga gunud ,wariyaha hagaana saddex baa loo kala xula saddaxdda doodood balse inaga caawa markii jiq laysku noqday wiigan dhamaadka waxaa hawsha xalinta arrinkanina galay madaxtooyadda ,iyadoo arrima dhaqaale la isku mari waayay waa Ispire iyo dood baahiyaaysha Siba oo ah majoortiga muuqaal baahiyayaasha ,ugu danbeyntii waxay dhaafi wayday in xal laga dhigo dooda oo qoloba hal wariyo  keento saasna lagu dhaaro .

Waxaa madasha ka baxy ururkii dhanka dimuqradiyadda Somaliland u hagayay ee Akaadimiyadda nabadda kuwaaso iska fogaaday eedayn uga timaada ururadda tartamayay iyadoo hore uu xisbiga Waddni ugu eedayay inaanay dhex aheyn .

Labbadii wariye ee la soo xulay waa la dhaariyey maadamo kalsoonidii dhimatay iyadoo sidoo kalena urukii inspire la dhaariyey ,halkaana waxaa ka yimid ceeb aad u weyn maadamo kalsoonidii dhimatay oo lasoo aasay .

Gacansareynta Dooda ,

Doodan oo su`aalaha hagahu ay ahaayeen kuwa diyaarsan oo aanu dhinacana u dhaafay islamarkaana ka saartay meesha awoodi iyo kartidii wariyaha waxaa markaad dhinacayadda saddaxdda ah ay labba ku hashiis ahaayeen karbaashka xisbiga Waddani maado faysal iyo Muuse isku dhiidhiibeen Cirro balse daganaasho xad dhaaf ah oo dublamaasiyadi qanjaha joogta kala soo baxay murshax cirro waxaanad ka dareemaysay in uu diyaar  u ahaa arrintan ,markaad eegto suaalaha dhanka tiirka ugu muhiimsan Somaliland waa Ictiraafka waxaa uu cirro ku hantay tiirkaasi in uu si dagan uga jawaabay suaashaasi isagoo eedaymo badan oo labbada dhinac ah iskaga difaacay in xidhiidhka wada hadaladda Somaliland iyo Somalia ay bilowday xukuumadda Kulmiye eededa iyadu leedahay waxa kale oo u sheegay inuu isagu hal mar oo madaxweynuhu ka codsaday uu raacay .

Waxaa kalo sheegay inuu soo celin doono xiidhiidhki midowaga yurub iyo kan Africa oo xukuumaddu khaarijasay .

Muuse biixi waxaa ku jiray is difaac fara badan waxaanu isagu ku wanaagsanaa dhanka arriamaha gudaha isagoo dhanka arrimaha dibadda ku margaday heshiisayaddii hawadd ee Somalia lala galay oo sheegay inuu buray ,sidoo kalena tibaaxay inaanu raali ka aheyn deeqaha caalamka ee Somalia la wada siiyo oo hore 2013 ay loogu soo heshiishayey Turkiga .

Faysal oo ah nin fayla suuf ku ah dhanka hadalka ayaa isago aad garanaysay inu aad ugu soo haftabaxay qaabka dooda iyo hadalka maado intii axsaabta Somaliland la aasasayba uu haystay fagaare uu maalinkasta ka hadlo taasina waxay keentay in ay badiba dadkii dooda joogay u sacabiyaan Faysal .

Faysal wuxuu ka gar naqay in tiirka dhaqaalaha ay labadda murashax si fiican u bowsadeen taasina ay keentay in ay kaga wanaagsanaadaan ama uu kala simanyahay waxay aaminsanyahay .

Suaasha ugu qosolka badneyd ee la waydiiyo saddaxadd murshaxa oo aheyd maxaad isleedaay wuu kaaga wanaagsanyihiin labadd murshax ee kale?waxaa koobkeeda qaatay Faysal cali waraabe isagoo sheegay in labbada tartame ka hore ,cirro uu kaga wanaagsanyahay khiyaamadda ,muusana dhanka qabyaaladda iyo reeraha ,halka Cirro uu sheegay inuu faysal kaga wanaagsanyahay dhinaca dhismaha ,fasirkeeduna yahay maadomu uu ahaa Eng uu kaga wacanyahay dhankaasi ,halka muusana arrimaha milatarrigga u qiray ,muusa ayaa isagu sheegay in qosolka iyo farxadda uu kaga wacanyahay Cirro halka faysalna uu sheegay inuu labba jeer oo  hore doorasho soo galay markaa arrimah dimqraadiaydda uu kaga horeeyo .

 

Isku soo wadda duubo doodan ayaa waxaa gacanta sare lahaa Md Cirro markaad tiirkasta dul istaago marka la reebo amniga ,halka muusna kaalinta labaad ahaa oo dhanka amniga iyo reeraha iyo dimuqraadiyadda kaga wacnaa labba tartame ee kale ,Faysal ayaa isagu waxaa uu ahaa kaalinta saddexaad halka dhinca social mediahna uu ka ahaa kaalinta kowaad oo uu haystay dad badan oo la dhacasan aftahanimadda iyo khudbadda faysal .

Sayruuq Staff

Hargeisa-Office

Contact@sayruuq.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.