Faa’iidada Qisaasta-W/Q: Sh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

0

Waxa aynu maqlaynay intii la fuliyey Qisaastii ummaddu aad u soo wada dhawaysay in midowga Yurub cambaarayn soo jeediyeen, taasoo ahayd mid la filayey. Waxa se geesinimo leh sida Wasiirka Caddaaladdu uga falceliyey arrintaa isagoo ku yidhi “sharcigaa aad sheegaysaan dalalkiina ku xukuma”. Xaqiiqdii hadal gar ah weeye hadalkaa wasiirku.
Xilligii Qurayshi eryanaysay Rasuulka CSW ee uu u sii jeeday magaalada Madiina, ayaa waxa dhacday in god Rasuulka CSW iyo Abu Bakar Rc ay ku dhuumanayeen soo dul istaagaan kuwii eryanayey, dabadeed Abu Bakar Rc ayaa ku yidhi Rasuulka CSW “midkood hadduu gomadihiisa eego wuu ina arkayaa”, Rasuulkuna CSW wuxuu ugu jawaabay “maxaad u malayn laba uu Alle saddexaynayo”. Rasuulku CSW ma odhan Nabi iyo kii ugu hor rumeeyey ee wuxuu yidhi ’laba’. Culimadu waxa ay yidhaahdaan cid kasta oo xaq ku socota Alle SWT ha ogaadaan inuu la jiro.
Yurub waa dalal ka tagay diintii ay ab sheeganayeen, markii kuwii Kiniisadaha u fadhiyey mashaaricaysteen diintii, ee ay isku qaban weyday diintii maalinba dhan loo rarayey iyo la jaan hayntii waayahoodu. Ogobeey xilligaa ay diintooda ka hadlayeen waa goor Islaamku dunida hadheeyey oo la lahaa waar tan soo wada gala tanaa xilli iyo muddo lahayn oo wakhti walba iyo waayo kasta la jaan haynaysee, ayey dan moodeen gebi ahaanba inay xooraan diintoodii.
Isla goortaa reer Yurub waxa ka aloosna dagaalo u dhexeeyey gudahooga, dagaladaas oo lib tiray, dunidii kalena ka reebay. Markii in muddo ay is jafayeen ayaa waxa ay xal ka dhigteen in lays nabadgeliyo. Qolo kastaana danahooga gaar ahaaneed u go’do. Waxa ay samaysteen shuruuc ka turjumaysay baahiyahooga gaar ahaaneed. Kuma ayna dhisnayn diin haba ahaato ta ay ku andacoodaan inay haystaane. Doodahoogii is wareejinayey midhihii ka soo go’ay ayaa sharci u noqday.
Waagii wakhtigu saaciday ee dunidii midoobayn iyo baar-casihiiba ku soo durduriyeen iyagoo gumaysanaya maankooga, dhuranaya hantidooda, u soo waaridaya sharci iyo is xukunkoogii ay uga dhigeen badhaadhe dunida hiigsiga leh lagu gaadho. Markii gumaystayaashii dhulkoodii ku noqdeen, waxa tagay uun ninkii caddaa balse wuxuu la yimi sidii buu ahaa, is xukunkii waa kuu ka tagay, cidda maamulka joogta waa kuu sii carbistay, xariiqa horumarineedna waa kuu sii bidhaamiyey.
cid kasta oo dhabadu jeexay ka leexsanta wuxuu ugu yeedhay ‘falaago’. Kuwaas oo ka hor imanaya shuruucdii caalamiga ahayd. Oo waa maxay shuruucda caalamiga ahi? Waa siduu u kala baxay in loo kala baxo, waddadu xariiqay in sideeda loo raaco. Cidda taa ka hor timaadana waa falaago dunida qas ku soo wadda.
Dawladihii Islaamka ahaa oo horjogayaashoodu ahaayeen la carbistayaashii ayaa sare iyo hoosba qaaday dhabadii gumaystaha. Taasoo ay u arkayeen xalka kali ah ee uu ku sii joogi karaan kursigooda. Intooda badani waxay ka tanaasuleen diintii, iyagoo kursi jeclaysi hayo. Haa way ka tanaasuleen, oo maanad xusuusan hadaladii iyo ficiladii Maxamed Siyaad Barre oo tusaale inoogu filan inaga.
Gooni u gososhadeenii waxa aynu axdi qarameedkii ku xusnay in wixii shareecada Islaamka ka hor imanaya aanu waafaqsanayn axdi qarameedka Somaliland. Sidoo kale markii aynu samaysanay dastuurka isna qodobada ugu horeeya waxa ku yaal wixii shareecada ka hor imanaya in gidaarka lagu dhufanayo.
Haddaba Qisaastu waa mid ka mid ah waajibaadyada Alle SWT korkeena saaray, oo haddii la falsafadeeyo noqonayso mid mar dambe la qoomameeyo. cid kasta oo ka maagistaa fulisaana Alle SWT la xisaabtami doono maalintu ifka ka tago. Labadii xukumadood ee u horeeyey waxa la xusuustaa in la fulin jiray Qisaasta, balse mar dambe ay qaloocsantay iyadoo siyaalo kala gedisan loogu farruuryo xidho.
Alle SWT waxa uu leeyahay “qisaasta nolol baa idiinku jirta”. U fiirso aayadda micnaha mugga ah ee ay bixinayso. Nolol baa idiinku jirta: haddii qofkii qof kale ku gafa ee iin u sameeya: sharaftiisa meel kaga dhaca. Gacan, il, lug, dheg amase naftaba gooya aan looga jarin maxaa dhici kara, waxa dhici kara; waxa dunidaa galbeed maantaba ka jira. In aan goynta nafta ina Aadan aanay micno ba lahaan.
Iskadaa naf la gooyee Rasuulku CSW wuxuu diiday in layska nixiyo “uma banaana qof iimaan sheeganaya inuu argagax geliyo walaalkii”. Marka xadiiska cullimadu sharaxayso waxay yidhaahdaan “waa in qofka oo iska baraad la’ intaad xagga dambe kaga timaado ku qayliso ama taabatoba”. Waa xurmo loo muujinayo qofka, se haddii lagu dhugto ba noloshiisa maaha mid laga faa’iidi doono oo waa mid amni xumo soo wada.
Alle SWT hayno sahlee waxa intii u dambaysay magaalada ku soo batay dhalinyaro balwaddu u gaysay inay dadka dhacaan, si kasta oo ay u dhacayaana sameeya; haddii ay nafta qofka ay dhacayaan goyn karaan uma aabo yeelaan, oo maaha mid aynu maanta isku sharaxayno oo waa xaqiiqo aynu aragnay. Haddaba si aynu taa uga badbaadno oo inamo yaryar oo aan garanayn xurmada qofka aynu isku soo baxsano waa in xadadka sharcigu inoo jideeyey ku dhaqanaa.
Faa’iidada qisaastu waa dadkoo kala nabad hela; sababta u weyn ee Islaamku u soo dejiyey Xuduuddu waa in dadku yeeshaan kal cabsata. Waayo dadku isku iimaan maaha xadaynaya, mid baa dambiga ag maristiisu dhibta, halka ka kalana uu ka dhaadan yahayba. Markaa waa xayndaab falkiisa dib u dhigaya Xadku. Inta lagu dhiiranayo hirgalintiisu waa inta dhulku nabdoonaanayo. Haddii laga maagana waa la qoomamayn.
rakuub

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.