Faahfaahin Khilaafka Somalia Iyo Kenya

Khilaaf Culus Ayaa Labada Dal Ka Dhex Qarxay Waxaanay Isku Hayaan Arrimo Culayskooda Leh

0
Faahfaahin Khilaafka Somalia Iyo Kenya

Faahfaahin Khilaafka Somalia Iyo Kenya
Nairobi(Sayruuq) Dawladda Kenya ayaa u yeedhatay safiirkeeda Soomaaliya Lucas Tumbo, islamarkaana amartay in danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb Maxamuud Nuur Tarsan iskaga baxo dalka. Waxay tani jawaab u tahay shirkii shidaalka Soomaaliya lagu xaraashay 7 February London ka dhacay oo Kenya si weyn uga cadhootay. Kenya ayaa ku doodaysa in dhulka lagu muransan yahay ee Kenya iyo Somalia shidaalkiisa la xaraashay.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Kenya Amb Macharia Kamau ayaa si weyn u eedeeyay dawladda Soomaaliya “Gardarrada aan meesha qaban iyo dafidda khayraadka Kenya ee sharci darrada ah ma noqonayaan mid aan laga jawaabin waxaanay ka dhigan tahay fal gardarraysi ah oo ka dhan ah bulshada Kenya iyo khayraadkeeda,” Sidaas ayuu shir jaraa’id Sabtidii ku sheegay Amb Kamau.

Waxa uu intaasi ku daray “Xaraashka gardarrada iyo murugada leh waxa uu u qalma oo uu keenaya in dhammaan reer Kenya iyo dadka samaha jecel ee rumaysan in la sii wado nidaamka, ku dhaqanka sharciga caalamiga ah iyo nabadda iyo sharciga xallinta khilaafaadku cod midaysan ku diidaan.”
Maxaa kajira in Kenya iyo Soomaaliya ay ka wada hadlayaan muranka badda?
Waxa uu sheegay in Soomaaliya si indho la’aan ah u jiidhayso xeerarka caalamku aqoonsan yahay ee xallinta muranka xuduudaha, iyo sidoo kale khilaafaadka siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed. Waxa uu Soomaaliya ku eedeeyay in aanay u muuqan mid qaangaadh ah oo la jaanqaadaysa dawladnimada casriga ah.
Fasiraad ku aadan waxa salka ay ku heyso xiisadda diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya
Waxa kale oo uu sheegay in ay u muuqato in aanay Soomaaliya wax abaal ah ugu hayn waddanka Kenya dadaalkii uu galiyay ammaanka Soomaaliya iyo taageeradda darisnimo.

Eedaha culus ee dawladda Kenya ku miistay Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo uga sii daraya khilaaf labada dal u dhexeeyay oo ku saabsan aagag la rumaysan yahay in ay khayraadka dabiiciga ah hodan ku yihiin oo labada dal isku haystaan kuwaas oo ah bad iyo barri ku teedsan xuduudka labada dal. Muranka labada dal ayaa gaadhay maxkamadda caalamiga ah waxaanay u muuqata in si weyn Kenya uga cadhootay shirkadaha ay Soomaaliya ogolaanshaha u siinayso shidaalka dalkeeda.
Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo meeshii ugu xumeyd gaaray
Muranno hore u dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya ayaa keenay in dawladda Kenya culays badan saarto bulshada Soomaalida ee dalkeeda ku nool kuwaas oo u badan dad qaxoonti ah, halka Soomaaliya marar joojisay qaadka Kenya oo dhaqaalaha dalkaas halbawleyaashiisa ka mid ah.
Garsoore Cabdiqawi oo ka hadlay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.