Faadumo Siciid Oo Quus Ka Muujisay Shirka Mucaaridka Uga Socda Hargeysa

0

Hargeysa(Sayruuq):-Shir aanay u jeedadiisu cadayn oo muddo laba maalmood ah huteelka Dalxiis ee magaaladda Hargaysa uga socday xisbiyadda WADDANI iyo UCID ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan, isla markaana noqday mid fashilmay.

Kadib markii sida la sheegay xubnihii kala socday labadda xisbi mucaarid ay isku af-garan waayeen qodobadii lagaga hadli lahaa shirkaa, oo aanay bulshadu fahmin danta ay ka lahaayeen mucaaridku.
Sida ay sheegeen masuuliyiin ka kala socday xisbiyadda UCID iyo WADDANI oo halkaasi ka hadlay kuwaasi oo quus ka muujiyay awoodda ay leeyihiin xisbiyadda mucaaradku. Waxaanay ku Calaacaleen in aanay dalkaba ka jirin xisbiyo mucaarid ah oo midaysan.

Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, oo ka tirsan xisbiga WADDANI oo shirkaasi ka hadashay ayaa saluug ka muujisay habsami u socodka shirkaasi waxaana ay tilmaantay in la majaro-habaabiyay ajandihii shirkaasi.
“Nuxurka shirka ma gaadhi karno. Waayo cidiba kama hadlayso wixii loo baahnaa, shirka waxaa loo qabtay waxyaabaha ina horyaalla, maxaynu ka qaban karnaa?, lacag in aynaan lahan waynu og-nahay” ayay tidhi Faadumo Siciid.

Iyadoo hadalkeedda sii wadatayna waxay tidhi “Su’aasha la is-waydiinayo, ee la idinka doonayo in aad keenatan, waxay tahay doorashadii way dhici wayday’e, maxaynu markaa samaynaynaa, haddii aynu nahay labada xisbi mucaarid. Su’aasha la is-waydiinayaa waa taasi. Haddii aynu ku wareegaysano Cagaf-cagaf lama keenin, oo marba xildhibaan dadka yidhaahdo aamusa, xaaraan caleeg, dad waaweyn ayaa meesha fadhiya oo sharaf leh, sidee ayaad Aamus u tidhaahdaan.
Dumar sharaf leh, oo marwooyin ah, oo Soddoho ah ayaa meesha fadhiya, dadka Cagaf ka hadlaya waad u daynaysaan, annigana ii daa.”

Sidoo kale Faadumo Siciid, waxay qirtay in aanay shirkaasi ka soo bixin wax midho-dhal ah oo ay la hor tegi karaan xukuumadda si ay ugula xisaabtamaan, taasi oo muujisay siyaasad xumadda iyo awood daradda mucaaridka. Iyo sidoo kale sida aanay u lahayn siyaasad cad iyo barnaamij ay bulshadda ku kasban karaa.
Waxaanay ku sifaysay iyadoo tilmaamaysay awoodda iyo siyaasad xumadda mucaaridka in ay la mid yihiin sida Bisado hudheelka raashin u soo doontay, kadibna isku qabsaday raashinkii ay cunayeen.

Waxaanay tidhi “Maxaynu maanta isugu wada nimid, ee aynu la hortagaynaa xukuumadda oo aynu sheegaynaa?, maxaynu odhanaynaa labadii xisbi qaran way iskugu yimaadeen oo waxaas ayay keeneen. waxaan idin leeyahay ha ina majarro-habaabinina ama mucaarad sharaf leh aynu noqono oo isku tiirsan, oo gacmaha is-haysta aynu noqono oo aynu awoodeena iyo xoogeena muujino, ama aynu meesha ku kala tagno.
Haddii aynu noqonayno Bisado maalinba meel la iskugu keenayo, dabadeedna la kala saarayo, meesha raashin umaynu iman nin walba gurigiisa raashin ayaa ka bisil.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.