EU Oo Mawqif Adag Ka Qaatay Mudo-Kordhinta Farmaajo

0
Farmaajo Oo Midnimo Ugu Baaqay Somaliland

Waddamada Midawga Yurub ee taageera dib u dhiska Soomaaliya ayaa si adag uga hor yimid muddo kordhinta labada sannadood ah ee Xukumadda Farmaajo iyo Baarlamaanka Soomaaliya shalay samaysteen.

“Tallaabadan (Muddo kordhintu) waxay curyaaminaysa dadaalladii muddada dheer la soo waday ee ay taageerayeen Midawga Yurub iyo Beesha Caalamka ee ahayd dib u dhiska Soomaaliya loo dhan yahay,” ayaa lagu yidhi Bayaanka reer Yurub.
Somalia : Statement by the High Representative Josep Borrell on the current political situation
Midawga Yurub waxa uu sheegay in aanay sinaba u aqbalayn Muddo kordhinta Xukumadda Farmaajo ee wakhtigeedu dhammaaday, Sida oo kalena aanay ogolayn hannaan doorasho oo isbarbar socda ama ka duwan heshiiskii 17 September. Waxa ay go’aanka muddo kordhinta ku tilmaameen mid kala qaybinaya Soomaaliya, islamarkaana aan sinaba ugu adeegayn danaha dadka Soomaaliya kana soo horjeeda xasilloonida iyo wada jirka Soomaaliya iyo dalalka la deriska ah.

Ugu damebyn Midawga Yurub waxa uu sheegay in uu tallaabo qaadi doono haddii baaqooda la dhegaysan waayo “Waxa aanu ku baaqayna in miiska wada hadalka qabsoomidda doorashooyinka si dhakhso ah loogu soo noqdo, kaas oo aan dib u dhac lahayn kuna salaysan heshiiskii 17 September,” sidaas ayaa lagu yidhi bayaanka oo lagu soo gababeeyay haddii lagu fashilmo hirgelinta soo jeedinta Midawga Yurub in uu qaadayo tallaabooyin.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.