Ergayga EU-da Oo Niyad Jab Kala Huleelay Hargeysa

0
Ergayga EU-da Oo Niyad Jab Kala Huleelay Hargeysa

Weftiga ka socday Midawga Yurub ee uu hoggaaminayay wakiilka EU-da Mr Nicolas Berlanga ayaa guuldarro kala kulmay dhexdhexaadinta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka. Ergayga ayaa la sheegay in uu madaxweyne Biixi ka codsaday in uu la laabto xubnaha Komishanka cusub ee khilaafka abuuray laakiin, madaxweynaha ayaa ku adkaystay go’aankiisa ah in ay arrintani sharci ahaan u taallo Golaha Wakiillada, islamarkaana ciddii aan sharciga buuxin ay iyagu ka soo reebaan kadibna uu bedelayo.

Danjire Nicolas Berlanga ayaa la sheegay in uu niyad jab kaga laabtay Hargeysa maaddaama khilaafka madaxweynaha iyo mucaaradka uu xal u waayay. waxaanu hore ugu guulaystay dhexdhexaadintii labada dhinac ee sababtay in komishanka cusub la sameeyo.
“Tolow Beesha Caalamka Xafiiskeedu Waa Xagee,”Biixi
Xisbiga Waddani ayaa si weyn uga soo horjeeda Cabdirashiid Riyo-raac iyo Kaltuun Sh Xasan oo madaxweynuhu ku daray Komishanka cusub. Riyo-raac ayaa ah xubin firfircoon oo Kulmiye ah, halka Kaltuun ka tirsan tahay xubnihii hore ee Komishanka oo hore xisbiyadu ugu heshiiyeen in ay meesha ka baxaan.
Degdeg: Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay Khilaafka Komishanka
Guddoomiye Cirro ayaa maanta la filaya in uu si weyn uga hadlo xaaladda taagan iyada oo ay u muuqatay in Waddani rajo ka qabay dhexdhexaadinta beesha caalamka ee natiijo la’aanta noqotay. Cirro ayaa hore u hakiyay xubintiisa laakiin, guddoomiyaha wakiillada ayaa shalay ku dooday in aanu xisbina xaq u lahayn la noqoshada xubintiisa.
“Muddo Kordhintu Waa Khasab,” Guddoomiye Baashe
Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.