Ereteriya Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Wasiirkeeda Khaajigu Muqdisho Joogo

0
Ereteriya Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Wasiirkeeda Khaajigu Muqdisho Joogo

Ereteriya Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Wasiirkeeda Khaajigu Muqdisho Joogo
Dawladda Ereteriya ayaa sheegtay in aanu wasiirkeeda arrimaha dibadda Cismaan Saalax Maxamed joogin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen xogo ku saabsan in wefti uu hoggaaminayo wasiirku joogo magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Ereteriya Yemane G. Meskel ayaa warbaahinta Horndiplomat u sheegay in aanu jirin socdaal uu wasiir Saalax ku tagay Soomaaliya, islamarkaana aanu qorshaysnayn safar uu halkaasi ku tagayo.

Warar soo baxay galinkii dambe ee shalay ayaa sheegay in wasiirku Muqdisho ku joogo socdaal xogtiisa la qariyay oo la xidhiidha dhexdhexaadin Ereteriya ka bilaabayso Somaliland iyo Somalia.

Foreign Minister is currently in Eritrea- Eritrea Information Minister Yemane G. Meskel

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.