“Erdogan Xashiishkuu Ku Tuuray Warqadii Trump,” BBC

0

“Erdogan Xashiishkuu Ku Tuuray Warqadii Trump,” BBC

BBC-da ayaa ogaatay in madaxweynaha Turkiga Mr Reccep Tayyip Erdogan tanag xashiishka ku tuuray warqaddii madaxweynaha Maraykanka Mr Donald Trump u diray 9-kii bishan October.

"Erdogan Xashiishkuu Ku Tuuray Warqadii Trump," BBC

Warqadda ayuu Trump ku boorrinayay Erdogan in aanu duullaan ku qaadin Kurdiyiinta Suuriya laakiin, dalabkaasi waxa inkiray madaxweyne Erdogan oo hawlgal culus ku qaaday gudaha Suuriya.

Trump ayaa dhalleecayn culus kala kulmay in uu ciidamada Maraykanka ka soo saaray Suuriya taasna fursad u siisay Turkiga in ay qaadaan duullaanka ay halkaasi ka wadaan.

Trump ayaa warqadda uu Erdogan u diray indhaha bulshada iyo saxaafadda soo jiidatay waxaana ku qorna erayo ay ka mid yihiin ha noqon nin adag, ha noqon nacas.
“Ha is-adkayn Hana Nacasoobin,” Trump

Akhri Warqadda Cirro Kaga Hadlay Khilaafka Komishanka

Sayruuqnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.