Erdogan Oo Xadhigga Ka Jaray Cisbitaalka Loogu Magac Daray.

0

Muqdisho(Sayruuq)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta markii labaad xadhigga ka jaray cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, kaasoo uu shalay oo Sabti ahayd uu si rasmi ah uga jaray xadhigga wasiirka caafimaadka Turkiga, Mehmet Müezzinoğlu.

Erdogan ayaa sheegay in mashaariicda ay dowladda Turkiga ugu talo-gashay Somalia ay tahay mid billow ah, isla markaana ay sii socon doonto illaa ay dib u dhisaan Soomaaliya, iyadoo cisbitaalka Digfeer loo bixiyay Recep Tayyip Erdogan.

Wasiirka caafimaadka Turkiga, Mehmet Müezzinoğlu oo qayb ka ah wafdiga ayaa isna sheegay in cisbitaalo kale ay dib u dhis ku sameyn doonaan, taasoo uu xusay inuu qayb ka yahay dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Somalia Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Turkiga Recep Erdogan oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa xadhig-jarka kaddib booqday gabi ahaan qaybaha kala duwan ee Cisbitaalka Digfeer, waxaana Cisbitaalkan uu adeegyo caafimaad oo kala duwan u fidin doona dadka Soomaaliyeed.

Isbitaalka_Digfeer_Muqdisho_Somalia

Xasan Sheekh oo ka hadlayay furitaanka Cisbitaalka Digfeer ayaa sheegay in Cisbitaalka loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed, isagoo ga si weyn ugu mahad-celiyay dowladda Turkiga oo dhistay isla markaana qalabeysay.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay kaga maarmi doonaan Cisbitaalka inay caafimaad dalka dibadiisa u aadaan, marka loo eego sida casriga ah ee uu u dhisan yahay.

Madaxweynaha dalka Turkiga iyo wafdigiisa ayaa goor-dhow loosoo galbiyay xarunta madaxtooyada Somalia, halkaasoo ay ku wada-qadeyn doonaan isla markaana ay si wadajir ah u qaban doonaan shir jaraa’id oo ay faahfaahinno kaga bixin doonaan heshiisyo ay kala saxiixanayaan labada waddan.

Sayruuq/Muqdisho

Somalia

News Desk

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.