“Eng:Faysal Cali Warabe Wuxuu U Muuqdaa Diyaaradii Hargaysa Ka Kacday Ee Hadana Duqaysay” Jamaal Cali Xuseen.

0

Hargyasa(Sayruuq)- Musharaxa Madaxwaynenimo ee Xisbiga Cadaalada & Daryeelka UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo waraysi uu bixiyay ku sheegay inaanu Codka siin doonin Musharaxiinta ka tartamaysa Xisbigiisa ,Jamaal Cali Xuseen oo hadaladaasi daba socda ayaa  kaga jawaabay dhawaaq dhiilo watay isla markaasna ay ka muuqatay in Xisbiga UCID uu marlabaad khilaaf baaxadlehi ka dilaacay .

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo hadalada Faysal ka jawaab celinaya waxa uu yidhi “Faysal waxa uu yidhi Musharaxiinta xisbigayaga ka sharaxan taageeri maayo ee cid kale ayaan taageerayaa hadalkaasina waxa uu u muqdaa “diyaaradii hargaysa ka kacday ee hadana duqaysay isla hargaysa “ma jirto meel adunyada Guddomiye Xisbi yidhaahdo taageeri maayo Musharaxiintayda  ee cid kalan taageerayaa ,Faysal waanu u tagnay aniga iyo Cabdirashiid waxanu ku nidhi  inaanu iska sharaxnaa baanu doonaynaa ,waayahaye soo saara buu nagu yi Xisbiga ,oo urur siyaasadeednimada ka saara ,xoog iyo xoolaba waanu dul dhignaya  waanau dhaarinay Xisbiga UCIDna  qof kali ahi ma leh”.

Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa ka digay in Faysal uu hunguri ka galo xisbiga isla markaana  uu dhaawaco waxanu yidhi jamaal “Faysal waxan xasuusinayaa UCID khilaaf horay soo martay oo maxkamad dambe taag uma hayo ,hadii aanu aragno inaanu Guddomiyuhu guul noo horseedi karayn waxa laga yaabaa inaanu fadhi an caadi ahayn iskugu yeedhno  Golaha oo aanu kaga arrin sanayo Guddomiyuha  Faysalna waxa uu xisbiga u horseedayaa Maxkamad iyo khilaaf anagana na galaafanaya isagana galaafanaya”.ayuu yidhi Musharaxa UCID.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.