Eng. Maxamed Xaashi oo ku Dhaliilay in Xukuumadda iyo Xeer-dejintu ka Midaysan Yihiin Hanti Boobka iyo Sharci-jabinta

0

Hargeysa (Sayruuq)- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa tilmaamay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo golayaasha xeer-dejintu ka midaysan yihiin sharci-jabinta iyo ku tumashada xeerarka u yaal dalka.

Eng. Xaashi, ayaa qoraal uu soo saaray shalay ku faahfaahiyey qodobbo dastuuri ah oo uu ku dooday inay jabiyeen xukuumadda iyo Golaha Guurtida, isla markaana aanay Golaha Wakiilladu wax danayn ah siin, maadaama ay awood u leeyihiin inay hay’adaha dawladda ku ilaaliyaan dastuurka iyo shuruucda.

“Xeer-dejintu waa Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida. Waa qaybta labaad ee saddexda waaxood ee dawladdu ka kooban tahay (Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Garsoorka), waana saddexda dhadhaar ee ay ahayd inay is-dheelitiraan.

Sida ku cad qodobka dastuurka 38aad, farqaddiisa 3aad, xubinta Baarlamaanku xil-gudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo Xeer-hoosaadyadiisa.

Qodobka 39aad: Golaha Wakiillada waa xubno ka wakiil ah dadweynaha; waana qaybta 1aad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka.

Waxa Xukuumadda iyo Xeer-dejintu ka midaysanyihiin sharci burinta. Waxa xukuumadda u dheer ku-tagri-falka hantida qaranka, taas oo Wakiilladu dulqaad weyn u leeyahay, isaga oo ka baaqsaday ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka. Sida ku cad qodobka 39 iyo qodobadda Dastuurka ee Guurtidu jabiso oo aan Golaha W      Wakiilladu danayn. Waxa ka mid ah kuwaas:

  1. Burburka Golihii Guurtida. Laba iyo siddeetankii xubnood ee lagu bilaabay, kow iyo toban baa ka nool. Kow iyo toddobaatan (71) xubnoodna waxay Golaha Guurtidu ku fadhiyaan DHAXALTOOYO. Taasoo aan sharci ahayn.
  2. Dhibaatada Golaha Guurtidu dalka ku hayaan waa mid ka soo horjeedda sababtii loo assaasay ee ilaalinta: Xasilloonida dalka iyo daminta khilaafaadka beelaha Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. Guurtidu maanta waa dagaal-oogayaal caadaystay ku tumashada Dastuurka 42-3. Haddii doorashadu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed golihii hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhammaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo gole cusub. Duruufaha adag waa dagaal baahsan, xasillooni-darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus….Duruuftaa adag marnba ma dhicin. Dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markhaati ka ah in ayna marna dhicin.
  4. Muddo loo kordhiyo xukuumad xilkeedii gabtay oo khilaafsan Dastuurkan qodobkiisa 42, farqaddiisa 3aad waqti walba taagani waxa ay halis ku tahay xasilloonida dadweynaha iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu ku yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi. qoraalkiisa

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in aannu madaxweyne Siilaanyo xilligan diyaar u ahayn inuu ka qaybgalo tartan doorasho, taas beddelkeedana uu go’aansaday inuu xilka ku fadhiyo muddo-kordhin.

“Xukuumadda waxa la gudboon in ay doorashadii ku qabato waqtigii Komishanka Doorashooyinku gooyey ee uu yidhi, doorashadu way qabsoomi kartaa, waxase muuqata sidii dad badan dareensanaa in aanun Madaxweyne Axmed aannu tartan doorasho geli karayn. Ujeeddadu se ahayd inuu xilka sii hayo muddo ah ilaa saddex sanno oo muddo-kordhin ah. Waliba mid uu diidi jiray, ku diidi jiray sharci ma aha. Madaxweynaha waxa la gudboon inuu qiimeeyo xaaladda maanta taagan, oo uu daneeyo dalka iyo dadweynaha. Waa inuu dhagaha ka furaystaa inta yar ee danaha gaarka wata ee caadku ka saaran yahay wanaagga ummadda, jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo sumcadda. Ficiltan iyo dano gaar ah waxa ka habboon ballantii aad dadweynaha u qaaday iyo KITAABKII aad gacanta saartay oo aad fuliso,” ayuu yidhi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.