Eng Faysal Oo Si Kulul U Weeraray Khayre

0
Eng Faysal Oo Si Kulul U Weeraray Khayre

Eng Faysal Oo Si Kulul U Weeraray Khayre

Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu u jawaabay raysal-wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre isagoo sheegay in aanu mudane Khayre ka talin karin arrinta dekedda Berbera.

“Waxaan u sheegaynaa (Xasan Cali Khayre) in aanu ka talin
karin isaga iyo inantan yar ee Soomaali baantuuggii ee wasiirka dekedaha ahi Berbera kama talin karaan waa qaladka aanu saxayno ee lixdankii dhacay in talada dalkayaga wax aanan aqoonba uu ka hadlo_ Farmaajo ayaanu insha’allaahu tacaallaa ka wada xidhiidhaynaa in uu waxan la qabo dillaalkan iyo in isaga ay ku kooban tahay,” Sidaas ayuu yidhi Faysal

Eng Faysal waxa uu sheegay in aanay Somaliland colaad u qabin beesha uu ka soo jeedo ra’isal wasaare Khayre “Shacbiga uu kasoo jeedo ninkaasi (Khayre) beesha Hawiye la yidhaahdo annaku xumaan uma qabno isagay arrintu ku kooban tahay,” sidaas ayaa hadalka Faysal ka mid ah.

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay arrinta dawladda Jabuuti isagoo sheegay in qarannimada iyo seeddinimadu aanay meel wada galayn “Abtiyaashay waxaan leeyahay qaranka iyo seeddinimadu meel ma wada galaane qarankaa ka muhiimsan..”

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.