Eng Faysal Oo Ka Hadlay Colaadda gobolka Sool

0
Eng Faysal Oo Ka Hadlay Colaadda gobolka Sool

Eng Faysal Oo Ka Hadlay Colaadda gobolka Sool
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda dib uga qaraxday degaanka Dhumay oo dhanka Koonfureed ka xiga magaalada Laascaanood. Dagaalka shalay dhacay ayaa gaystay khasaare balaadhan oo dhimashadu gaadhayso afartameeyo.

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa waxa uu sheegay in aanay aakhiro meel ku lahayn dadka qabiil ku dagaallamaya, islamarkaana ay yihiin ehelu naar. Waxa uu ku baaqay in colaadda lagu xalliyo sidii lagu dhammeeyay xiisaddii Ceelafweyn muddada badan ka taagnayd.

“Waxaan leeyahay inta nool ha loo taliyo. Waxaan dawladda ugu baaqaya in arrintan loo galo sidii tii Ceelafweyn oo baaxaddii aynu Ceelafweyn ku dhammaynay Allena inagu gacan siiyay oo kale lagu sameeyo. Wuu inagu daba dheeraaday dagaalka labada beelood waana inagu fool xumo in la yidha dagaal baa ka dhacaya meel 45Km u jirta Laascaanood,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay in maamul la’aani keenayso dagaallada Bariga “Dagaalka Ceelafweyn, kaa Dhumey iyo ka Dharkayn Geenyo intuba waxay ku dhacaysa waa maamul la’aan. Meel aan sharci iyo kala dambeyni ka jirin waxaas iyo wax ka xun baa ka dhaca. Waxaanu dawladda leenahay waa in xoogga la saaro sidii maamulka loo gayn lahaa ugu yaraan dhulka aynu joogno bal meelaha aynaan joogin inagaba daaya oo meesha aynu joogno maamul adag ha loo sameeyo oo ay Ceerigaabo ka mid tahay, Ceerigaabo ayaa hadda leegleeganaysa.”

Colaadda shalay dhacday ayaa wali taaggan iyada oo xilli walba la filan karo in dagaal rogaal celis ahi qarxo mana jirto cid ilaa hadda kala dhex gashay labada dhinac.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.