Eng Faysal Oo Ka Deyriyay Xaaladda Dalka

0
Eng Faysal Oo Ka Deyriyay Xaaladda Dalka

Hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo saaka soo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland marayso marxalad xun oo aanu ku fikirin in Somaliland gaadhi doonto.

Hadal kooban oo uu saxaafadda siiyay ayuu ku sheegay in uu faahfaahin bixin doono marka ay xisbiga WADDANI arrinsadaan Sabtida “Xaaladda dalku maraya waa marxalad aanan waligay iyo allahay is lahayn dalku wuu mari doona ayuu maanta maraya. Gudo iyo dibad ba shacbigeenii werwer weyn baa haysta,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Guddoomiyaha xisbiga UCID wuxuu sheegay in ay Sabtida kulmi doonaan Sabtida kadibna bulshada la wadaagi doonaan go’aammo iyo xogo ay ka hayaan arrimaha siyaasadda dalka ee gudaha iyo dibaddaba.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.