Eng Faysal Iyo Madaxweyne Biixi Oo Is-laab Xaadhanaya

0
Eng Faysal Oo Ka Deyriyay Xaaladda Dalka

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa caawa la kulmaya madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi sida ay ilo xogogaal ahi u sheegeen wargeyska Geeska Afrika.

Madaxweyne Biixi iyo Eng Faysal ayaa muddooyinkii u dambeeyay aad u kala fogaaday waxaana la sheegay in ay odayaal is xilqaamay dhexdhexaadiyeen, islamarkaana hadda ay gaadhay in ay si fool-ka-fool ah u kulmaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha UCID.
Ma cadda in ay arrintani dhantaalayso is xulufaysiga Cirro iyo Faysal ee baryahan xoogganaa waxaanu Eng Faysal hore u sheegay in uu si walba u baryay madaxweynaha si uu uga shaqeeyo doorashooyinka iyo horusocodka laakiin, uu wax walba ka diiday taas oo noqotay mid ay ku kala fogaadeen.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.