Eng Faysal Cali Waraabe Oo Farmaajo Kala Hadlay Joojinta Aflagaado Somaliland Uga Timaadda Muqdisho

0
Farmaajo aEng Faysal Cali Waraabe Oo Farmaajo Kala Hadlay Joojinta Aflagaado Somaliland Uga Timaadda MuqdishoIyo Faysal Oo Biljim Ku Kulmaya

Eng Faysal Cali Waraabe Oo Farmaajo Kala Hadlay Joojinta Aflagaado Somaliland Uga Timaadda Muqdisho

Hargeysa(Sayruuq) Eng Faysal Cali Waraabe oo dhawaan dalka Biljim kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu kala hadlay sidii xukumadda Muqdisho u joojin lahayd hadallo deelqaaf ah oo Somaliland lagu duro.

“Arrimo badan baa na dhex yaalla Soomaaliya oo ay ka mid tahay wada hadalladii Somaliland iyo Somalia oo joogsaday, Dagaalka Tukaraq iyo aflagaado badan oo ka timaadda Xamar iyo hadallo xanaf leh oo ka yimaadda nimanka Muqdisho fadhiya, marka arrimahaas oo dhan ayaanu ka wada hadalnay madaxweynahaas,” Sidaas ayuu telefishanka Goob Joog oo fadhigiisu yahay Muqdisho u sheegay Eng Faysal Cali Waraabe.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu dhalliilay warqad Somaliland lagaga joojinayo deeqaha caalamka oo uu sheegay in uu qoray wasiir aanu fahmin sababta wasiir looga dhigay maaddaama oo uu ka soo jeedo gobolka Sanaag Bari oo aanay amarrada Muqdisho ka socon. Waxa uu ku eedeeyay wasiirka qorshaynta Somalia in dano gaar ah loo magacaabay oo lagu fushado arrimo u dan ah Puntland.

Kulanka Faysal iyo Farmaajo ayaa jaahwareer ka abuuray Somaliland waxaana kulankaas amakaag ku tilmaamay madaxweyne Biixi oo ay gacan saar dhaw leeyihiin Faysal.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.