Eng Abdimalik Abdi Hasan:- Maxaa Umad Hormarin Kara Ama Hurumar La,aan u Keeni Kara.

0

Hargeysa(Sayruuq) Sida runtii ah bulshadu inteeda badan ma fahansana waxyaalaha keena hormarin iyo hurumar la,aan , hadiise aad u fiirsato dabiiciga iyo abuurmaha (nature) ka wax badan ayaad ogaanaysaa sida humarku ku bilaamo, tusaale ahaan hurumarku waa silsilad isku xidhan hadii aad mid ka boodana khatar ayaad galaysaa wuxuu ka bilaamaa qof, qoys, koox, dagaan ilaayo qaran. halkan hoose waxaan idinku tilmaami doonaa hal abuurida humarka.
1. Hogaami Naftaada: Sida runtii ah hadii aynu is indhaahno wax ka qor hugaaminta nafta waxay inag qaadaynaysaa maalmo iyo buugaag , in badan oo bulshadeena ahna waxaa haysta jaahwareer nafeed , si kooban wax kastaa bilaw ayay leeyihiin iyo bardhaqaad, sidaas darteed humarku wuxuu ka bilaamaa qof iyo naftiisa, hadii aad xor ka noqoto naftaada isla markaasna aad u taliso waxaad ku guulaysanaysaa hurumar. maahmaah somali ah aya waxay yidhaahaa tiisaba daryeelaa mid kale ku dara.
2. Xor u Noqo Aragtidaada: Go,aan qaadashadu quman waa qayb ka mid ah humarka togan iyo tiir dhaqaqa toosan,sida runti ah inta badan dadkeenu waxaa dhib ku ah in ay go,aan tilmaman qaataan taasna sababtu tahay cid kale ayay ku xidhan tahay tilmaantoodu.
3. Dacad u noqo hugaaga iyo dadkaagaba: wax kasta oo aad hayso waa in sida ugu wanaagsan aad u qabataa. wakhti galisaa, tusaale ahaan hadii ay qasho tagay isku day in aad wakhtiga dhamayso lagu siyay waliba wax ku darto sidoo kale cid kasta oo kula nool ama kula shaqayso la jeclaw wanaag sida aad naftadaba ula jeceshay u gargaartaa kuwa dhibataysan, garab gal kuwa tageerada u baahan, maah maah somali ah ayaa tidhaahda dacad ma hungowdo, ilahayna wuxuu inagu yidhi a jeclaw walalkaa waxa aad jeceshahay aan idin jecladee,,,,,, qof ilahay jecel yahay ma guul daraysto
Hadii aan qoraalkayga ku soo dhawaado waxaa qofka, qoysaska, dagaamadu, dalka iyo dunida hurumar gaadhaa marka horjogo hoodu leyahay hagrasho la,aan tilmaman, hugaamin hadafaysan iyo hal abuurnimo hufan .
Cilmi iyo aqoon kaba madhna hurumarku Qof, Qoys, Qoon iyo Qaran ba, hadii dad jaahil ah u taliyo waxaa galaa jid xidhan , jaah wareer jaraysan iyo jaho madaw sidoo aqoon la,aanta ayaa waxay keentaa jibado iyo qalooca qabyaladaysan taasoo midha dhalkeedu noqdo qof jacalsi aan ku qalmin oo jarka kaa tuura .tusaale qof loo dhiibo wuxuuna qaban karin ama logu qadariyo wax uuna u qalmin.
qoraalo badan oo aan kaga hadili doona qalooca hurumar la,aanta keena ayaan idinla wadaagi doonaa dhawaan inshallah.

Waa Bilahi towfiq.

Qoraa:- Eng Abdimaalik Abdi Hassan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.