Egypt: Dhakhtar Loo Xukumay Dhimashada Gabadh Uu Gudniin Ku Sameeyay

0

Qaahira(Sayruuq)– Dhakhtar reer Masar ah ayaa lagu xukumay laba sanadood oo xadhig ah, ka dib markii ay geeriyootay gabadh uu xaruntiisa caafimaad ku guday ama Xalaaleeyay.

Dhakhtarkan oo lagu Magacaabo Raslan Fadl ayaa lagu xukumay laba sano oo xadhig ah, ka dib markii lagu helay isku day dil, maadaama oo uu gudniin ku sameeyay gabadha dhimatay, halka rugtiisa caafimaadna la xayiray muddo sanad ah.

Dhaqtarka ayaa beeniyay inuu wax gudniin ah ku sameeyay Suhair al-Bataa oo gabadha dhimatay. Laakiin afhayeenka koox u ololaysa joojinta gudniinka fircooniga ah ayaa ugu yeedhay go’aanka maxkamadda guul aad u wayn.

Suhair al-Bataa oo ah gabadha yar ee la guday ayaa dhimatay sanadkii 2013-kii, waxaana markaasi ka dib dacwad lagu qaaday aabaheed oo lagu eedeeyay masuuliyadda gudniinka lagu sameeyay gabadhiisa, laakiin wax xukun ah kuma dhicin. Inkasta oo aan warbaahintu soo tabin in sababta dhimashada gabadhaasi uu ahaa gudniinka lagu sameeyay iyo inay si kale u dhimatay.

Gudniinka ayaa laga mamnuucay Masar 2008-dii laakiin wali la sameeyaa, In ka badan sagaashan boqolkiiba dumarka reer Masar oo ka yar konton jir ayaa lagu sameeyaa gudniinka fircooniga ah sida ay sheegayso tirikoobka dowladda Masar.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.