Duur Oo Is Barbardhigay Saddexdii Madaxweyne Ee U Dambeeyay Marxuum Cigaal, Rayaale Iyo Siilanyo Oo Uu La Shaqeeyay

0

Hargeysa(Sayruuq):-Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo sida oo kalena hadda ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa is-barbar dhig ku sameeyey Saddexdii madaxweyne ee u danbeeyey Somaliland oo uu xidhiidh wada-shaqeyneed la soo yeeshay, isagoo weliba Madaxweyne Siilaanyo u noqday wasiirka arrimaha gudaha.

Md. Duur oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ahaa hoggaamiye, halka uu Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay maamulayaal. Wuxuu sheegay in labadan dambe laftooda uu Madaxweyne Rayaale ku wanaagsanaa dawladnimada iyo isku xidhka agaasinka dawladda, halka uu Madaxweyne Siilaanyo ku wanaagsanyahay dhismaha iyo wax qabadka.

Ugu horayn mudane Duur oo uu Geeska Afrika weydiiyay is barbardhigga saddexdii madaxweyne ee u dambeeyay ee Somaliland soo maray Marxuum Cigaal, Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo oo uu saddexdaba wada shaqayn la sameeyay, wuxuu yidhi  “Saddexdii madaxweyne ee ugu danbeeyey oo aan anigu la soo shaqeeyey [Cigaal, Rayaale iyo Silanyo]  mid hoggaamiye (leader) ayaa uu ahaa Labana Maamule-yaal, hoggaamiyaha astaamahiisu waxa weeyaan in uu xaalad jirta xaalad cusub uu ku bedalo, madaxweynahii geeriyooday Alleh ha u naxariistee marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Laba talaabo oo qarankani ku dhisan yahayba isaga ayaa qaaday oo ah mideyntii axdi qarameedkii Boorama iyo mideyntii beelaha, hubkoodii, taladoodii iyo siyaasadoodiiba la mideeyey inna Cigaal ayaa talaabadaas lagu xusayaa. talaabada Labaad ee lagu xusayaa, waxa weeye dhismaha axsaabta qaranka iyo qorida distoorka jamhuuriyada Somaliland oo habka dimuqraadiyada ah. Labadaa talaabo oo ayaa ay Somaliland qaaday talaabo Saddexaadna may qaadin. Labadii madaxweyne ee ka danbeeyey waxay uun ay maamulayeen nidaamkii lagaga tagay, maamule-yaal bay ahaayeen, may ahayn hoggaamiyeyaal. Markaa dadkuna hoggaamiye(Leader), ayaa uu u baahan yahay si Somaliland ay talaabadii sadexaad ay u qaadi lahayd, illaa hada Labadaa talaabo mooyee, talaabadii sadexaad wali Somaliland may qaadin.”.Ayuu yidhi Md.Maxamed Nuur Carraale. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Md.Duur oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi: “Labadan Madaxweyne ee u danbeeyey maamule-yaal kala duwan ayey ahaayeen, qaabka dawladnimo iyo agaasimka isku xidhnaanta dawladnimada, waxaa ku fiicnaa Daahir Riyaale Kaahin oo dal  iyo dad isku mideysan ayaa uu wareejiyey taariikhda ayaana imikaba xusaysa, xusina doonta waxa kale oo uu ahaa madaxweyne aad ugu wanaagsan illaalinta sharafta iyo karaamada qarankan. Wax qabadka, dhaqaaqa iyo wax-dhiskana Siilaanyo ayaa ku fiican isagana waa la eegi doonaa marka uu dalka madaxweyne kale uu ku wareejiyo waxa uu ka tago, Laba maamule oo kala wanaagsan ayaa ay ahaayeen, laakiin hoggaamiyeyaal umadda  tiirada  ka saari kara, xaalad taagan ka rari kara oo xaalad kale gaadhsiin kara may ahayn, markaa dalku halkii marxuumku kaga tagay ayaa uu yaala, dhisme iyo waddooyinba umaddu wax badan ayaa ay qabsatay Laakiin dee Siyaasiyan talaabo saddexaad maynaan qaadin.”.Ayaa uu yidhi Md.Maxamed Nuur Carraale (Duur). Md.Maxamed Nuur Carraale(Duur), ayaa mar wax laga weydiiyay sida oo kale ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee muddooyinkii danbe ka taagnaa heshiis ay sadexda xisbi qaran ka gaadheen doorashooyinka oo golaha Guurtidu ka soo horjeesatay, waxaana uu tilmaamay in ay tahay markii ugu horeysay ee taariikda Somaliland ay golaha Guurtidu khilaaf jira qeyb ka noqdeen sida oo kalena ay tahay markii ugu horeysay ee ay abid golaha Guurtidu ka so horjeesato wax ay bulshadu ku heshiiyey. “Xilkii madaxweynahu waa gebo-gabo oo waxaa ka hadhay wakhti aad u yar, muranka ugu badana waxaa uu ahaa doorashada iyo in la cayimo wakhtigeedii waana ay gebo-gaboobeen, waxaan runtii aan si kooban u tilmaami lahaa heshiis ayaa la gaadhay, saddexda xisbi qaran ayaa heshiiskaas gaadhay, waxaa ay ka heshiiyeen mudadii doorasho la qaban lahaa, qadiyadaasina guul weyn ayaa ay u ahayd shacabka reer Somaliland oo axsaabta qaranku ay iyagu dhexdoodii xalisteen waxii dhibaato ahayd ee taalay, laakiin golaha Guurtida oo ah gole distoori ah awoodo xadaysana leh, kuna eeg yihiin qodobka 61aad ee distoorka qaranka jamhuuriyada Somaliland, ahna awoodo kooban, kuwaasi oo ah dejinta xeerarka, dib u eegista waxii soo mara golaha gaar ahaan arrimaha nabad gelyada, dhaqanka iyo diinta, ayaa go’aankii sadexda xisbi qaran ku heshiiyeen diiday, welina aad moodaa in uu ka gal-galnaayo, markaa runtii go’aankaas ay diideen dadku waxyaabo badan ayaa ay isweydiinayaan oo maxaa Guurtida waxyaabahii lagu heshiiyey ee la dhammaystay maxaa Guurtidu in ay diido ku kalifaaya?.Su’aashaas dadku aad iyo aad ayey isku weydiinayaan. Markaa runtii marka aan soo koobo dadku waxaa ay isweydiinayaan dee golahii Guurtidu maxay heshiiska ku diidayaan?. oo golahii xalinta khilaafaadka maxaa isaga muranka u geeyey?. Guurti iyo muran halkay iska soo galaan?.Gole axsaabta ka madax-banaan maxaa isaga qaska ugu jira?, haddiiba ay axsaabtu garta gooyeen.”.Ayuu yidhi Md.Duur.

Md.Maxamed Nuur Carraale, waxaa uu sida oo kale tilmaamay in ay guul weyn u tahay shacbiga Somaliland in sadexda xisbi qaran ay si wada-jir u dhammaysteen waxii khilaafaad ah ee dhexyaalay. “Markaa runtii waxa qudha ee illaa hada la sugayaa waa talaabadaa Guurtida, waa guul in xisbiyadii qaranku heshiiyeen. Runtii dib u dhac aad u badan ayaa innagu jira oo siyaasadii arrimaha dibada aad ayaa aynu ugu liidanaa, arrimahii nabad galyada waad aragtaan oo waxaad moodaa in uu hoos u dhac aad u badani galay, hadana doorashada ayaa ah dhibta ugu weyn ee innagu soo socota una baahan in dedaal badan lagaga baxo. Horta Guurtidu waa gole umaddu leedahay, waayeel ayaa ku jira, waxaana laga faa’idi jiray in ay xaliyaan waxii khilaafaad ah, laakiin in ay khilaafka qeyb ka noqdaan waa markii Koowaad oo golaha Guurtida loogama baran, waa markii ugu horeysay ee ay khilaaf qeyb ka noqdeen, waa markii Koowaad ee heshiis umaddu gaadhay ay diideen.”.Ayuu yidhi Md.Maxamed Nuur Carraale. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Carraale(Duur), waxaa uu ugu danbeyntii uu tallooyin wax ku ool ah u soo jeediyey golaha Guurtida Somaliland si looga baxo marxaladan uu dalku maanta maraayo, waxaana uu kula taliyey in dib u akhriyaan awoodahooda sharci ee distoorka qaranku siiyey ka Guurtid ahaan sida oo kalena ay qaabkii wax u xalin waagii hore waayeelkii ku jiri jiray aqalka golaha Guurtida Somaliland ay kaga daydaan, waxaanu yidhi  “Markaa golaha Guurtida runtii gol daloolo badan iyo sharci jabin badan, ayaa ku jirta go’aankoodii oo runtii aad loola yaabo, waxyaabo badan ayaan dadku isweydiinayaan. Marka ugu horeyn waxaan u soo jeedinayaa in ay sharcigii iyo distoorkii ay dib ugu noqdaan, in ay dhaqankii iyo milgahii Guurtida ay dib ugu noqdaan, in ay horta oggaadaan waajibkooda shaqo ilayn distoorka ayaa xadeeyey e’, mar Labaadkana in ay dhaqankii Guurtida ee samaa ee Somaliland oo dhan ay ku soo hagi jireen waayeelkii Guurtida ka baxay, guurtidii cid kama noolee, in ay raadkii dib u raacaan, oo ay raadkii sammaa dib u raacaan, raadkii nabad raadinta dib u raacaan, raadkii dhaqanka iyo milgahii ay umaddu lahayd ay dib u raacaan, raadkii waayeelkii hore ee golaha fadhiyi jiray ay ku dhaqi jireen ay dib u raacaan, markaa distoorkana ha akhriyaan, raadkii waayeelkii hore kaga tagayna amma ay midhadhku ka sii joogaan wax ha kaga qabtaan ayaan odhan lahaa.”.

h ee Waddani, ayaa is-barbar dhig ku sameeyey Saddexdii madaxweyne ee u danbeeyey Somaliland oo uu xidhiidh wada-shaqeyneed la soo yeeshay, isagoo weliba Madaxweyne Siilaanyo u noqday wasiirka arrimaha gudaha.

Xigasho: Geeska

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.