Duuliye si cajiib ah diyaarad u dejiyay markii ay cilad ku timid

0
Duuliye si cajiib ah diyaarad u dejiyay markii ay cilad ku timid

Duuliye si cajiib ah diyaarad u dejiyay markii ay cilad ku timid

Duuliye u dhashay dalka Myanmar ayaa qaaday tallaabo geesinimo leh,markii ay cilad soo wajahdey diyaarad rakaab oo uu waday, wuxuu sameeyay in diyaaradda uu ku dejiyay garoon diyaaradeed iyadoo ay u bixi waayeen lugaha hore ee diyaarada.

Captain Myat Moe Aung oo ahaa duuliyihii diyaarada ayaa garoonka diyaaradaha labo jeer ku dul wareegayay isagoo doonayay in lugaha ay u fidsamaan,hase yeeshee markii dambe ayuu go’aansaday inuu diyaarada dejiyo isagoo raacaya talooyin ay siinayeen dadka haga diyaaradaha.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Embraer 190 ayaa dhammaan dadkii saarnaa aysan waxyeelo soo gaarin waxaana laga soo dejiyay diyaarada iyagoo bed qaba.

Diyaaradan ayaa ka soo duushay magaalada Yangon waxana markii ay ku soo dhowaatay magaalada Mandalay ay awoodi weysay diyaarada in lugaha u baxaan.

Wasiirka gaadiidka dalka Myanmar Win Khant ayaa ku tilmaamay howsha uu qabtay duuliyaha inay ahayd mid weyn.

Diyaarad Xalay lagu soo riday xaafadda qasriyada boqortooyada Sucuudiga

Daawo Diyaarad Badda Gali Gaadhay

Afduubkii diyaaraddii Somali Airline.

Muddo toddobaad ah dhacadaan waa tii labaad oo dhinaca diyaaaradaha ee ka dhacda dalka Myanmar ,waxaana Arbacadii aynu ka soo gudubnay ay diyaarad ka baxday waddada garoonka diyaaradaha magaalada Yangon waxaana uu dhaawac ka soo gaaray illaa iyo 17 ruux oo diyaarada saarnaa.

sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
contact@sayruuq.com
sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.