Duuliye Reer Somaliland Oo Ka Waramay Qaabkii U Soo Bartay Kicinta Diyaaraha iyo Caqabadihii La Soo Darsay + Muuqaalo

0

Hargeysa (Sayruuq) Wiil reer Somaliland oo soo bartay cilmiga duuliye-nimada ee diyaaradaha ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee reer Somaliland ah ee wax ku soo bartay wadanka Kenya, waxaanu nooga waramay qaabkii iyo mudadii uu soo bartay inuu noqdo duuliye diyaaradeed.

Burhaan Daahir Bade wuxuu mudo kooban oo uu wakhti badan galiyey ku soo bartay kicinta diyaaradaha, waxaanu ka soo baxay dugsiga Ninety Nine flying school ee wadanka Kenya, kaas oo ku yaala madaarka Wilson Airport.

20150824_125239ugu horayn wuxuu wargeyska Warsugan uga waramay qaabkii uu ku bilaabay iyo waayihii kala duwan ee uu la soo maray cilmigan. “Ilaahay mahadii haddii si yar oo kooban aan u sheego waxay igu qaadatay mudo yar oo koobaan oo ah sanad iyo badh in aan barto duuliye-nimada (pilot) in kastoo ay duruufuhna ay adkaayeen hadana waan la tacaalay, wax taageero i siinayey ma jirin marka laga reebo hooyo iyo aabo oo si fiican ii caawiyey, haddii qofka noloshiisu iska yara kooban tahay wax uu ka bixi karo maaha waayo lacag fara badan ayey u baahan tahay, taasina waa sababta ay hooyo iyo aabo ii caawiyeen. Waxaan ka baranaayey wadanka Kenya oo aniga oo shaqaynaayey ayaan waxaan siinaayey wakhti gaar ah, mana jirin fasax aan haystay oo ah in aan duuliye-nimada barto, waxaan aadi jiray garoonka caalamiga ah ee lagu barto ee la yidhaahdo Wilson Airport, halkaas oo aan ugu tagay dugsiyo badan, laakin kaan anigu doortay wuxuu ahaa Ninety Nine Flying School, waxaa iska lahaa niman ciidamada hawada Kenya soo qaatay oo hawl gab ah. Qoladaas ayaa i soo gacan qabtay oo ila soo dadaashay, waxaan u baahnaa i siiyey oo dariiqii loo maraayey ila qabtay, dhibaatooyinak kaliya ee aan kala kulmayna waxay ahayd dawladda Kenya oo aan ogolayn dadka haysta Passport-ka Somaliland iyo Somalia loona ogolayn inay wadankii wax ka qabsadaan oo loo tuhmaayo inay yihiin qolooyinka Al-Shabab, markaa halkaas ayaan ku soo bartay”image[1]

 

Burhaan waxaan waydiiyey maadama oo Somaliland aanay lahayn diyaarado u gaar ah sababta xiligan ku kaliftay inuu barto, waxaanu yidhi “horta duuliye-nimadu ma laha xuduud, qofka duuliye-nimo bartaa wuxuu ka shaqayn karaa caalamka meeshuu doono, qofka haddii aanu wadankiisu lahayn diyaarado bi’idni lahaa wuxuu ka shaqayn karaa wadamada jaarka ee diyaaradaha waaweyn iyo garoomada leh, Insha Allah waxaan rajaynayaa kolay halkan la taagnaan maayo in wadanku yaalan doono diyaarado iyo is badal fara badan oo aan noqon doono hogaamiye hadii Alle idmo. Aniga oo kale aad ayaan u jeclaa yaraantaydii in aan duuliye noqdo, door aanu wada sheekaysanaynay oday la odhan jiray Kabtan Coofle oo ahaa duuliyihii dawladii hore ee Somalia oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa iga waramay duuliye-nimada iyo shucuurteeda markuu dhalinyaradda ahaa, aniga tiibaa igu dhalisay aan halkii ka sii qaado fikirkaygii ahaa duuliye noqo, waxaanan bilaabay in aan lacag uruuriyo wixii kalana ay xaafadu igu taageerto, waxaanan bilaabay dugsiga intii aanu sanadka 2015-ku bilaabmin, ilaahay ayaa mahad leh hada soo dhameeyey waxaanan rajaynayaa in aan mar labaad ku laabto wadankii Kenya oo shaqooyin aan eego in kastoo fursadaha duuliye-nimadu ay aad iskaga badan yihiin hadana hadana wadanka Kenya maaha wada aad u wanaagsan oo kuu saamaxaya madaama oo aad soomaali tahay in aad duuliye ka noqotid, laakin bi’idni laahi tacaala habkii lagu helo karo shaqo duuliye-nimo ah inta uu wadanku halkaa gaadha yo waan farsamayn doonaa”

Xigasho:Warsugan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.