Duulimaadyada Muqdisho Iyo Hargaysa Oo Joogsaday

0
Somaliland Oo Eriday Shaqaalihii ICAO

Xukuumadda Somaliland ayaa hirgelisay go’aankii ay ku joojisay Diyaaradaha isaga kala goosha Muqdisho iyo Hargeysa.

Muddo saddex maalmood ah ma jirto Diyaarad u kala duushay garoomada Hargeysa iyo Muqdisho.

Somaliland ayaa joojisay Duullimaadyada Soomaaliya kadib markii qof qaba cudurka Corona laga helay Muqdisho.

Dad badan oo doonayay in ay raacaan Diyaaradahan ayaa ku kala xanniban Muqdisho iyo Hargeysa.

Amarka xukuumadda Somaliland ayaa soconaya muddo ilaa inta amar danbe ka soo baxayo sida ay ii sheegeen saraakiil ka hawl-gala Madaarka Hargeysa.

Source: Suxufi Xasan Galaydh

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.