Duuduub ama Doorasho ? Siyaasi Kaysar

0

Duuduub ama Doorasho ? Siyaasi Kaysar

Asalaamu Calaykum

Sharafta Xisbiga Kulmiye iyo Kalsoonida Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga ayay ku jirtaa in shanta Kursi ee Hoggaanka sare ee Xisbiga dhamaantood lagu tartamo ama dhamaantood duuduub lagu ansixiyo oo lagu sharfo Masuuliyiintan imika ku fadhiya oo ah Shan Masuul oo hawlkar ah oo Xisbiga gaadhsiin kara guulo kale.

Shakhsiyan waxaan aaminsanahay in duuduub lagu ansaxiyo shantan Oday maadaama Madaxweynaha imika Talada hayaa uu Xaq u leeyahay oo uu Dastuurka Dalku u fasaxayo inuu mar kale isa soo sharraxo, sidaas darteed ay haboon tahay in team kan oo guushii hore dhaliyay lagu sharfo inay hoggaanka Xisbiga sii hayaan oo duuduub lagu ansaxiyo.

Dhinaca kale nusqaan iyo foolxumo ayay ku noqon kartaa Xisbiga Kulmiye in la yidhaahdo Kursiga Md Cabdiraxmaan Saylici ee Afraad oo kaliya ayaa lagu tartamayaa. Waxaa haboon in Shanta Kursiba lagu Tartamo ama Shantaba Duuduub lagu ansaxiyo.

Sidaas ayay ku jirtaa Danta Xisbiga Kulmiye iyo Danta Dalka Somaliland oo baahi aad u weyn u qaba in shacbigiisa la middeeyo lagana fogaado wax kasta oo Ummada sii kala fogayn kara.

Dooda odhanaysa Md Saylici laba goor ayuu Madaxweyne ku xigeen noqday oo mar saddexaad ma
noqon karo, doodaasi imika meesha ma taallo, shirkanan imika laguma dooranayo Murashax Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, waxa lagu dooranayaa waa hoggaanka Xisbiga.

Saddex Sanadood wakhti ku dhow ayaa ka hadhay Doorashadii Madaxtooyada, sidaas daraadeed marka ay doorashada Madaxtooyadu soo dhawaato ayuu Xisbigu Shir isugu iman karaa oo Madaxweyne Muuse Biixi uu ku dooran karaa Murashaxa Madaxweyne ku Xigeenkiisa hadii uu Saajin ka dhiganayo iyo hadii uu Koorre u xulanayaba.

Allow Eex ma tiraabine, Aqoon haygu cadaabin.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.