Dulmigii ku dhacay macalin C/Raxmaan.

0

W/Q Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeella

Shalay subax oo aan kallahay waxa aan u holladay in aan tago saldhiga daloodho oo uu ku xidhnaa macalin Cabdi raxmaan. Balse markii aan gaadhay ee aan u sheegay hawsha aan u socday. Waxa uu taliyihii bilaabay in uu noo meeraysto. Mar waxa uu yidhaa maad hawsha soo dhamaysaan. Waxa aan ku idhi taliye hawsha odayaal ayaa leh ee anagu ma lihin.Anagu qareeno ayaanu nahay. Waxa uu yidhi hadaa maxaad ka soo doonaysaan. Waxa aan ku idhi taliye in aanu u nimaadnaa waa mid uu sharcigu dhigaayo. Waxa uu hadana yidhi reerkan maaha reer cidba af garanayso. Waligeed ayaa lays dili jiray ee may arinta qaataan. Waar kuwan oo kale waligeen maynaan arag.

Waxa aan ku idhi taliye waxaa aad igala hadlayso oo dhami maaha shaqadeenu ee af sharci aynu ku wada hadalno. Hadana waxa uu yidhi dee orda oo maxkamadaha uga dooda. Waxa aan ku idhi ma cidlo ayaanu ka doodnaa. Waxa uu yidhi idinku cid walba miyaad u doodaysan. kan oo kale ma wax loo doodaa. Waar qareenana ma tihidin ee cid walba waad garab yaacaysaan ee orda oo maxkamada ku suga. Waxa aan ku idhi taliye maxkamadda ku sugi mayno ee sharciga ilaali oo maxbuuska noo sii daa.Waase diiday oo hadal cad waxa uu nagu yidhi ninkaa cidna u gali mayso.

Hore ugaaanu tagin ee cabaar ayaanu si walba ula hadalnay. Hayeeshee waa diiday oo waxa uu yidhi orda oo i ashkateeya.

Intaasi kadib waxa aan ku soo noqday maxkamadda oo aan hawl ku lahaa. Markii ay hawshii ii dhamaatay waxa aan la hadlay taliyaha CID iyo Taliyihii isaga ka sareeyay ee taliyaha qaybta bariga. Iyaguna waa wada hadleen.

Kadib taliyihii qaybtu waxa uu igu yidhi orod oo u tag waan la hadlayaaye. Waan ku noqday hadana si jees jees ah ayuu taliyihii Saldhiga daloodho noola hadlay. Waxaanu mar walba lahaa ninka ninka dilay maxaad ugu socotaan iyo looyaradu cid walba miyay u doodaan.

Intaasi kadib hadana waxa aanu la hadalnay taliyhii qaybta. Kadib taliyihii qaybta ayaa la soo hadlay. Anana nagu yidhi waan la hadlay.

Markaa aan mar labaadka taliyaha la hadlaayay saldhiga dibada ayaanu taagnay oo waanu ka yar baxnay. Waxaanu se ku soo noqonay isaga oo aan joogin.

Waanu la hadalnay. Waxa uu yidhi anaa imanaaya ee isuga waan qado tagaye. Cabaar ayaanu sidii hadana u sugaynay. Waxaanu yimi ilaa 40 daqiiqo kadib isagoo gaadhi Zuzuki ah lagu sido.

Halkii ayaanu mar labaad ku wada hadalnay. Dadka macalinka laga celinaayay kaligayo may ahayn ee qof kasta oo macalinka magaciisa soo hadal qaada waa uu dagaalaayay.

Waxa aanu ku nidhi soo taliyihii qaybtu kulama soo hadal. Waxa uu nagu yidhi hadana maxaad kan uga socotaan. Ma kan oo kale ayaa loo socdaa.Ma kan dadka masaajidka ku dhex dilaaya. Kan macalin maaha. waliba shaki ayaa igaga jira waxii uu intaa si raaciyay. Basle waa sii shaksi caayay.

Waxa aan ku idhi waar ninku isaguba soo dhaawacyo ma qabo oo may ahayn in la daaweeyo. ta kale cidii ku dhufatay la doono. Waxa uu yidhi dhaawacyada isaga yaa ku dhuftay ee aad u sheegaysaa isagaa isku dhuftay oo intuu cararaayay kaabad ka dhacaye.

Waxa aan ku idhi in xaaladiisa la eego oo dhakhtarka la dhigo soo may ahayn. waxa uu yidhi waxaa ka bax oo maxaad doonaysa.Waxa aan ku idhi hadaad sidan u hadlayso sideed dhex u noqon kartaa wàxa aanu codsanaynaa in baadhistaba lagaa wareejiyo. Yaa iga wareejinaaya ayuu noogu hal celiyay.

Hadal waa badnaa ee waxa aanu hadana ku nidhi taliye wakhti ayaa nagu socda ilaa 9kii saaka waanu kula joognay, oo kolba kugu soo noqonaynay imikana waa 1 dii ee maxbuusku xuquuq ayuu kugu leeyahay ee ha na maaweelin oo kolba wax kale ha noogu meeraysan ee hadal cad noo sheeg oo ama noo siidaa ama si cad waxa aad u tidhaa waan idin diiday.

Waxa uu yidhi waan idiin siidaynayaa. Laakiin daaqada ayaad kala hadlaysaan. Waxa aanu ku nidhi daaqada dad booqasho ah ma nihin oo salaamaaya uun ee qareenadiisi ayaanu nahay. Waxa aanu xaq u leenahay in aanu waraysano ee noo soo saar maxbuuska. Waxa uu yidhi waraysiga ma baadhayaal ayaad tihiin. Hawl kale ayaad u socotaan ee idinsii dayn maayo.

Waxa aanu mar labaad ku nidhi taliye maxbuusku in uu xuquuq leeyahay miyaanad ogeyn.Waxa uu nagu yidhi anigu boolis ayaan ahay oo gar iyo gardaraba dhinaca dhibanaha ayaan ahay.

intaasi kadib waxa uu la hadlay taliyihii qaybta. waxa uu ku yidhi nimanku ma baadhayaal baa
Waxa ay rabaan in maxbuuska loo soo saaro oo ay wax ka qoraan. kadib taliyaha qaybta laftarkiisi oo talefoonka oo furnaa awgii maqlaayay markaan lahaa baadhista waxa aanu codsanaynaa in lagaa wareejiyo ayaa ila hadlay.

Waxa uu yidhi maxaa adiga baadhistan iyo waxaa ku geliyay. Waxa aan ku idhi taliye xaq ayaanu u leenahay oo ninka imika maxbuuska caayaaya ee cid kasta oo u socota cadaadinayaa dhex ma noqon karaa. Taliyihii qaybtu markaanu cabaar wada hadalnay. Waxa uu yidhi cidna maxbuuska xaqiisa duudsiyi mayso ee adna beri ii kaalay.

Waxa taa ka daran intii aanu taliyaha wada hadlaynay waxa na soo kala dhex galay oo hadalka nagu darsaday ninki taliyaha ku siday suusuukidii aan kor ku soo sheegay in taliyaha lagu siday.

Waanu nala dooday.Isagoo taliyaha ka barbar hadlaaya. Taliyihiina inta uu dhinacaa u dhaqaaqay ayuu yidhi alleyle adigu la hadal.

Waxa aan ku idhi adigu maxaad ahayd. Waxa uu yidhi waxa aan ahay dhibanayaashii. Runtii waanu yaabay.Ninkii0 taliyaha gaadhiga ku siday ba waxa uu ahaa dhinacii dhibanaha.

Kadib isagii iyo taliyihii ayaa gooni isula baxay. Waxaanu nin kale oo aanu saldhiga wada joognay isna ii xaqiijiyay in uu yahay qoyska maamule mahad.

Halkaa arin kuma dhamaan ee anagoo wali saldhigii joogna ayuu taliyihii baxay. Waxaanu shidhka u galay oo dib uu qaaday isla nininkii gadhka waynaa ee lahaa dhinaca dhibanaha ayaan ahay.

Waxase la yaab ah:Waxa shalay lay xaqiijiyay in macalinkaasi laba meelood wax ka qabay. Gacan iyo lawga waliba jabniin iyo dilaac ah.

Waxa kale oo lay xaqiijiyay m diidanaa in dhakhtarka oo mar la geeyay cadeeyay in lugtu qaliin ay tahay oo ay tahay in biro la geliyo. Ninkaas na ay tahay in dhakhtarka la dhigo.

Balse macalinkaasi danyarta ah oo sida lay sheegay waxa ay marka hore mahad isku af dhaafeena ahayd mushaharkiisii oo uu mudo sadex bilood ah ku lahaa. Waa sida lay sheegaye. Muu helin mar naba xuquuqihii uu sharcigu u damaanad qaaday qofka maxbuuska ah. Si badheedh ah ayaana cadaadis loo saaray.

Intaasi kadib shalay waxa ila soo hadlay qof aanan hore isu aqoonin oo ii sheegay in beri la geli doono hawsha oo lagu dhex jiro.

Aad ayaan ugu faraxsanay in rag masuuliyiin ah saaka hawshii galeen oo arintu meel wacan marayso. Aad baan se uga xumay duudsiga iyo ku tumashada sharciga ee macalinkaa lagula kacay.

Ugu danbeyn anigoo aad uga xun waxii aan shalay ku soo arkay saldhiga daloodho iyo sida arxan darada ah, islamarkaana sharci darada ah ee taliyaha saldhiga daloodhu ula dhaqmaayay dadka imanaayay saldhiga. Waxa aan hogaanka bilayska oo taliyaha boolisku ugu horeeyo ugu baaqaynaa in taliyahaa talaabo ka qaado. Booliskuna uu ilaaliyo shuruucda dalka oo ay ugu horeeyaan xuquuqda uu dastuurku siiyay maxaabiista saldhigyada ku xidhan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.