Dugsiga Tobabarka Macalimiinta Qaranka Somaliland Oo Hargeysa laga furay.

0

Hargeysa(Sayruuq)Dugsiga Tobabarka Macalimiinta Qaranka Somaliland ayaa laga faray magaalada Hargeysa, Munaasibada Furitaanka Dugsigaasi oo lagu qabtay Xarunta Macaarif institute ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasaiirka Wasaarada Waxabarashada, Wasiirka Shaqada, Masuuliyiin ka kala Socotay Hay’adaha Mercy Corps iyo Care iyo Martisharaf kale oo tiro badan.

Furitaanka dugsigan ayaa waxa iska Kaashaday Wasaarada Waxbarashada Somaliland iyo Hay’adaha Care, Mercy corps, Waxaana lagu bixin doonaa Duruusta Xarunta Macaarif institute ee Hargeysa iyadoo lagu Toba bari doono Guud ahaan Macalimiinta Wax ka dhiga Dugsiyada Somaliland.

 

Gudoomiyaha Machad Tobabarka Macalimiinta Qaranka Somaliland mr Buuni oo furitaankii Munaasibaasi Khudbad dheer ka jeediyey ayaa la dar-daarmay Macalimiinta “ maanta waxa laydin barayaa maaha in la idiin bilaabayo ee waxa laydin barayaa habka ugu wanaagsan ee aad ardayga ugu gudbin lahaydeen Aqoonta” ayuu yidhi Buuni

 

Mr Buuni oo hadal kiisa sii wata ayaa ka dhawaajiyey sababta keentay in imika la bilaabo Machadkan  “waxa keenay in mashruucan la bilaabo Macalimiinta Wax ka dhiga Gobolada iyo Caasimada oo intooda badani aanay takhasus ku ahayn maadada ay dhigayaan ama aqoontii loo baahnaa aanay u lahayn” ayuu yidhi.

Dhinaca kale Khadra Yuusuf oo ka socotay Hay’ada Care ayaa iyaduna ka hadashay Munaasibaadaasi “ugu horeyn waxaan u mahad celinayaa Wasaarada Waxbarashada iyo Hay’adaha USAID, Mercy Corps oo door wayn ka qaatay Hirgalinta Mashruucan SYLI, ujeedada Maanta aan isugu nimid waa laba Xafladood oo ah ta koowaad oo ah inaan markii ugu horeysay yeelano dugsi tobabar macalinimo iyo inaan isku keeno 325 macalin oo aanu ka keenay Bari iyo Galbeedba, badhan ilaa saylac, Ujeedada loo samaynayaana waa in la tayeeyo Macalimiinteena ” ayey tidhi Faadumo

Sacdiya oo ah Masuul sare oo ka tirsan Mercy Corps ayaa Iyana dhankeeda ka hadashay  bilawgii mashruucaasi “Mashruucani wuxuu bilaabmay 2011-kii wuxuuna dhamaanayaa 2016-ka iskuulada SYLI ay dhistay waa 22 iskuul, macalimiinta la tababarayna waa ilaa 40 dumar ah  maadaama oo ay dumarku ku yar yihiin Macaliinta, iyo 364 macalin  ayaa la tobabaray maantana waxa halkan fadhiya 325 macalin, markaa ilaa hada waxa hirgalay 2012 waxa kale oo ay hawshoodu socotaa 898” ayey tidhi Sacdiya.

 

Dhinaca kale iyaguna waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada, Wasiiru dawlaha Waxbarashada iyo Xildhibaan Cali Gabiley oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay in macalimiinta la tababaro isagoo u hoga tusaaleeyey sida loogu baahan yahan inuu macalinku tayo aqooneed u lahaado waxa uu dhigayo.

Wasiirka Wasaarada Wax barashada Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole oo Munaasibada ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “waxaan aad iyo aad ugu farax san ahay inaynu maanta halkan ku furayno tobanar qaadan doona mudo bil ah oo ay qaadan doonaan Macalimiinta Dugsiyada Sare, macalimiintu waa kuwii dugsiyada sare ee lagu aaminay Ardaydii Somaliland oo dhan, markaa waxa la ogaaday inaanay meelaha qaar macalimiinta qaar sidii loogu talo galay wax u fulin, khaasatan meelaha fog fog ee magaalooyinka waawayn ka baxsan, sidaasi ayaa tababar loogu furay, waxaana kor loogu qaadi doonaa aqoontooda si ay u soo saaraan arday tayo aqooneed leh.” Ayuu yidhi Wasiirku.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil Saylici ayaa gaba gabadii ka hadlay muhiimada ay leedahay in Macalimiinta la tobabaro oo kor loo qaado habkooda tabinta Duruusta lana tayeeyo aqoontooda guud.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.