Dr Sacad Oo Sababeeyay Joojinta Saldhiga UAE

0
Dawladda Somalia & Maamul Goboleedyaduba Waxay Shaqo Ka Dhigteen Baabi’inta Raadka Somaliland,” Dr Sacad

Dr Sacad Oo Sababeeyay Joojinta Saldhiga UAE

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa markii u horaysay xaqiijiyay in la hakiyay dhismaha Saldhigga Militari ee dawladda Imaaraadka laga siiyay magaalada Berbera. Waxa uu sheegay in dhulkii la siiyay Imaaraadka ay lahaayeen dad shacab ah, islamarkaana ay u baahan yihiin lacag mag dhaw ah oo laga siiyo dhulkooda arrintaasna Imaaraadka loo gudbiyay.

“Waxaa igu maqaala ah in si khaldan loo geliyey saxaafadda. Saldhiga markii hore dhul ayaa loo qoondeeyey. Dhulkii qayb ka mid ah waxaa yeeshay dad aad u tiro badan. Waxaa loo baahday in haddii laga qaado dhulkooda loo mag dhabo, laakiin magdhowgii wuxuu noqday waxaan la awoodi karin. Sidaa aawadeed waxaa la soo koobay dhulkii la siiyey, waana loo diray. Waxaa la sugayaana in jawaab ka soo celiyaan. Maayarkuna wuxuu shaqadii ka joojiyey inta ay jawaab laga helaayo si ay deyrka u bilaabaan. Berito ayaanu balansanahay UAE, Insha Allah, waxaan ku rajo weynahayna in aanu meel isla dhigno arrinkaa,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad oo wargeyska Geeska Afrika u warramay isaga oo Imaaraadka jooga.

Telefishanka Aljazeera oo dhawaan sii daayay warbixin arrintan ku saabsan ayaa sheegay in sababta loo joojiyay dhismaha Saldhiggu tahay is maandhaaf ka dhex taaggan Somaliland iyo Imaaraadka kaas oo ku saabsan in dawladda Somaliland doonayso in Imaaraadku dhiso jidka Wajaale iyo Berbera isku xidha oo gaadhaya 220Km, laakiin Imaaraadku sheegay in ay qayb ahaan uun bixinayaan mashruucaasi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.