Dr Cirro Oo Magac Cusub U Bixiyay Eng Faysal

0
Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Somaliland Oo Addis Ababa & Nairobi Kala Jooga

Dr Cirro Oo Magac Cusub U Bixiyay Eng Faysal

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici uga makhraati fureen in ku shubasho ka dhacday doorashadii madaxtooyada oo dabayaaqadii 2017 dalka ka dhacday.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaan si lama filaan ah u sheegay in codka ugu badan ee la boobay uu ahaa codkiisii, halka madaxweyne xigeenku shalay sheegay in aanu xisbigiisu waxba ku shuban laakiin, uu isagu rumaysan yahay in codkiisii gobolka Awdal lagaga shubtay.

Dr Cirro oo arrimahaasi ka jawaabayay ayaa guddoomiye Faysal ugu magac daray tiradii uu ka helay doorashadii madaxtooyada ee ahayd 4%(Four percent) “Anagu dhawaan waanu soo bandhigayna baadhistayadii; labada oday ee madaxweyne kuxigeenka iyo saaxiibkay 4 percent waan u mahad naqayna in ay noo marag fureen maraggiina Janno Alle ha furo ayaanu leenahay, marka waxay qireen in madmadow dhacay oo boob dhacay, marka intii aanu u baahnaynba iyaga qiray wayna mahadsan yihiin,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.