Dr Cirro Oo Ka Hadlay Madaxtooyada Cusub

0
Dr Cirro Oo Ka Hadlay Madaxtooyada Cusub

Dr Cirro Oo Ka Hadlay Madaxtooyada Cusub
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in aanay Somaliland xilligan u baahnayn Qasri Madaxtooyo oo lacag badan ku baxayso “Iyada oo la leeyahay shacbigii milyan iyo badh baa gaajo u dhimanaya mudnaan uma aha Somaliland in ay guri cusub oo qasri ah oo madaxtooyo ah dhisat oo ay ku bixiso lacag fara badan oo aan la garanayn tiradeeda,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

Guddoomiyaha ayaa geesta kale sheegay in aanu madaxweyne Biixi qaadin wax tallaabo ah oo ku saabsan qabsoomidda doorashada tan iyo markii Guurtidu cayintay doorashada Wakiillada.

Waxa kale oo la waydiiyay sida uu u arko in loo qaybsado kuraasta wakiillada waxaanu sheegay in ay tahay arrin u taalla madaxweyne Biixi “Isagii ayaa maanta madaxweyne ah, warqaddaasina xafiiskiisa ayay taalla, maanta isaga ayay u taalla, shalay Siilaanyo ayuu lahaa ha xalliyo isaga madaxweyne ahe dee maantana isaga ayay u taalla,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.
Halkan guji oo daawo hordhaca waraysi Saabtv la yeeshay Dr Cirro
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.