Dr. Cali Khalif Galaydh oo Myadikiisi Muqdisho loo Qaaday

0

Dr. Cali Khalif Galaydh oo Myadikiisi Muqdisho loo Qaaday

Waxa wararku sheegayaan in Maydkii Dr. Cali Khalif la geeyey Muqdisho. Waxa kale oo la sheegayaa in qoyskiisu dalbadeen in loo badho si loo xaqiijiyo sababta uu u dhintay. Waa in loo ogolaadaa qoyskiisu wax ay ku samraan.

Dalaabkaasi fa’idooyin badan ayaa ku jira waan in la soo dhaweeyaa. Su’alaha ka dhex guuxaya Soomaalida waxa ka mid ah: (1) maxuu u dhintay? (2) Ma Covid-19 ayaa dilay? (3) Cunto-sumow miyuu udhintay? (4) Miyaa la sumeeyey? Su’aalahan waxa kaliya ee looga haqab bixi karaa in la baadho.

Afhayeenka Dawladu Mukhtar Yusuf, Wasiir ku Xigeen, ayaa umaada u sheegay in uu Dr, Cali u dhintay Covid-19. Run miyaa? Waa arinta boodhka kicisay! Dhaktarkii gacanta ku hayeyna waxa uu sheegay in cuno sun leh sabab u ahad dhimashada Dr. Cali. Su’ashu waxay tahay, cid kale ma sumowday?

Shaqsi cilmiga kemistariga iyo curiyayaasha ku takhsusay ayaa, kadib markuu akhriyey Jadwalkii Geerida een shalay bartayda soo dhiga, tahliishan ii soo diray:

“Faisal, waan ku salaamayaa, haddii Dr. Galeydh u dhintay food poisining waxay ahayd in dad kaloo hatelka deggan xanuunsadaan. Anigu ma qabo in food poisoning kaligii ku dhacay. Foodborne illness investigation is part of my profession. Waxaa geeri degdeg ah keeni kara Clostridium Botulinum oo ah neurotoxin oo inta badan la xariirdha cuntada qasacadeysan. Waxaa kaloo dilaa ah food poisoning ka yimaada E. Coli 0157:H7 oo la xiriira inta badan hilibka lo’da oo aan lagu karin kul gaaraya 155F for minimum of a15 seconds for total pathogen destruction, calaamadihiisa waxaa ka mid ah dhiigbax xagga dambe ah. Cyanide in loogu daray waa macquul, laakiinse taasi geeri degdeg ah ayay keeni lahayd. Isku soo duuduuboo shaki weyn ayaan aniguba qabaa.”

Hadaba in la baadho sababta uu u dhintay waxay daweyn kartaa tuhuno badan. Hadaba, Faysal ahaan maxaan arintan ka aaminsanahay?
1. Waxaan ogahay in Garaad Wiilwaal, Alaha ka ajersiiyo, uu aad ula tacaalay arinta Marxuumka. Alaha ka ajar siiyo.
2. Waxa haboonayd in MW Mustaf isla maalintuu yimid ama uu dhowr beri joogay la kulmo Dr. Cali. Ma dhicin. Hase yeeshee Markuu xanuunkiisa maqlay (October 7 waxa uu amar ku bixiyey in la taakuleeyo).
3. Waxa sharaftu ku jirtay in Dr. Xuseen maalintuu maqalay xanuunka Dr. Cali oo isaga oo Hotelka jooga loo sheegay, inuu isla markiiba wax u qabto. Dr. Cali waxay in badan soo wada shaqeeyeeyn (waa sida uu Marxuumku marar badan ii sheegay) AU Xussein Abdiqaadir oo Dr. Xuseen adeer u ahaa. Aqoontaas awgeed in uu si gaar ah u xanaaneeyo ayey ahayd. Si kastaba hanoqoto, qofku isaga ayaa ikhtiyaar u leh sida uu u dhaqmayo. Waxaanse Islahaa Dr. Xuseen intaa wuu uga sokeyn Dr. Cali oo cise weyn inagu wada lahaa.
4. Anigu shaqsiyan ma’aaminsane in DDS sumaysay Dr. Cali. Hasayeeshee dabac iyo dayicid badan ayaa jirtay.
5. Hadii aan la baadhin maydka Cali, waxa arintani ku biiri doontaa tuhunka hareereeyey Marxuumo kale oo badan oo loo aaneeyo in siyaabo shirqool ah ku dhinteen – Ina Jire Qalinle, Yusuf Dheere, Axmed Cawke, iyo kuwo kale oo badan. (assassination and poisoning). Tuhunadu run iyo runalaanba wey noqon karaan. Hadaanse jawaab loo helin diwaan gala taariikheed ayey yeeshaan.
6. Qolyaha diidan in la falanqeeyo dhimashada Cali, waxaan u sheegayaa in aanu Cali ahayn wiil yar oo Jigjiga safar ku joogay. Waxa uu ahaa Prime Minister, Madaxweyne Deegaan, Xildhibaan, Minister, Aqoonyahan, kowna ka ahaa labeenta Soomaaliyeed. Sababt uu ug silcay qol yar oo hotel ah (room 304) kadib markuu cunto sum leh cunay waa arin mudo dheer laga hadli doon.

In la baadho oo la ogaado sabta uu R/W hore oo Soomaaliya Jigjiga ugu dhintay waa muhiim.

Alaha U Naxariisto

Faysal Roble

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.