Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Go’aan Ka Qaatay Natiijada Doorashada Madaxtooyada

0

Hargeysa(Sayruuq) Guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa aqbalay natiijada doorashada Madaxtooyada Somaliland ee uu ku guulaystay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dr Cirro ayaa sidaas kaga dhawaaqay gabogabada shir ilaa galabta uga socday hoggaanka xisbiga hotelka Ambasador ee Hargeysa.

Dr Cirro waxa uu sheegay in doorashada madaxtooyada ay ka dhacday ku shubasho baahsan iyo musuqmaasuq hase ahaatee uu u tanaasulay ammaanka Qaranka iyo wada jirka bulshada Somaliland.

Waxa uu taageerayaashiisa ugu baaqay in aanay u dhego nuglaan qalalaase iyo xaalad abuur uu sheegay in xisbiga Kulmiye iyo xukumaddiisu ka wadaan Waddanka isaga oo u jeeda ciidamo degaannada qaar lagu daadiyay.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.